Dowlada Itoobiya oo shaacisay tirada Ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya

0
474
Kenya Defence Force soldiers arrive in Garissa University College in Garissa April 4, 2015. REUTERS/Goran Tomasevic

Dowlada Itoobiya oo shaacisay tirada Ciidamada ka jooga gudaha Soomaaliya

Soomaaliya waxaa ku sugan ciidamo badan oo Itoobiyaan ah kuwaa oo gudaha dalka ku jooga howlgalka Nabad ilaalinta ee AMISOM, waxa ayna ciidankan ka howlgalaan qaar kamid ah gobolada dalka.

Tirada ciidamada Itoobiya ee ku sugan gudaha Soomaaliya ayaan si rasmi ah loo ogeyn, waxaana ciidamada Itoobiya la sheegaa in qaarkood katirsan yihiin AMISOM halka kuwa kalana ay gudaha Soomaaliya usoo galaan sifo sharci daro ah.

Safiirka Dalka Itoobiya u fadhiya dalka Kenya  Meles Alem, ayaa sheegay in tirada ciidamada Itoobiya ee ka howlgala gudaha Soomaaliya ay tiradooda u dhaxeyso 9,000 ilaa 15,000 oo Askari .

Ciidamadan Itoobiyaanka ayaa ka howlgala qaar kamid ah gobolada Soomaaliya gaar ahaan gobolada Baay, Bakool, Gedo, Hiiraan iyo gobolka Galgaduud, waxa ayna ciidamadan ka qeyb qaataan howlgalada ka dhanka ah Al Shabaab.

Meles Alem, ayaa sheegay in dagaalka ay kula jiraan waxa uu ugu yeeray argagaxisada ay keentay in ay yaraadaan weeraro ay gudaha Itoobiya ka geestaan, waxa uuna sheegay in dagaalka argagaxisada ay bilaabeen 1980kii ilaa 1990kii.

Ciidamada Soomaaliya ka jooga dalalka Kenya iyo Itoobiya ayaan laheyn tiradooda saxda ah marka laga reebo qayaas, waxaana wadamadan dariska ah gudaha Soomaaliya soo galiya ciidamadii ay doonaan iyaga oon la socod siin dowlada Soomaaliya.

Itoobiya ayaa marar badan horey usoo galisay Soomaaliya ciidamo badan oo dhibaatooyin badana ka geestay , waxaana markii dambe ciidamada Itoobiya qeyb ka noqdeen howlgalka nabad ilaalinta ee AMISOM.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here