Dagaal beeleed dib uga qarxay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug

0
429

Dagaal beeleed dib uga qarxay deegaano ka tirsan Gobolka Mudug

Dagaal u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed ayaa saaka dib uga qarxay deegaano dhaca bariga Gobolka Mudug, halkaasoo maalmihii la soo dhaafay ka jireen xiisado u dhaxeeyay maleeshiyo beeleed ka soo wada jeeda Galmudug iyo Puntland.

Sida wararku sheegayaan dagaalka ayaa waxaa uu ka socdaan deegaan u dhow degmada Towfiiq, waxaana labada maleeshiyo ee dagaalamaya inay isu adeegsanayaan hub culus.

Dadka deegaanka ayaa soo warinaya inay ka cabsi qabaan in dagaalka ku fido deegaano hor leh, iyagoo sheegay in sababta uu mar kale dagaalka dib uga qarxay ay tahay in aanay jirin dadaalo lagu kala dhex galay labada dhinac.

Deegaanada Af-barwaaqo iyo Towfiiq ayaa labadii maalmood ee la soo dhaafay ka jiray xiisad, kaddib markii maleeshiyo beeleed ku dagaalameen todobaadkii hore, kaasoo ay ku dhinteen dad ku dhow 10 ruux.

Baaqyo ayaa loo jeediyay labada dhinac ee dagaalamaya, waxaana baaqii ugu dambeeyay soo saartay Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya oo ku amartay Ciidamada Isku dhafka Gobolka Mudug inay ku baxaan deegaanka ay dirirtu ka socoto, si ay u kala dhex galaan labada maleeshiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here