Ra’iisul Wasaaraha Sudan Xamduuk oo loo doortay guddoomiyaha IGAD

0
621

Ra’iisul Wasaaraha Sudan Xamduuk oo loo doortay guddoomiyaha IGAD

Madaxda wadamada xubnaha ka ah Urur Goboleedka IGAD oo kulan ugaga furmay maanta magaalada Addis Ababa ayaa Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan Cabdalla Xamduuk waxa ay u doorteen Guddoomiyaha Cusub ee Urur goboleedka IGAD.

Shirweynaha 13aad ee Madaxda Urur Goboleedka IGAD uga socda Magaalada Adiis Ababa ayaa waxaa ay cod u qaadeen dalka qaban lahaa Guddoomiyaha Cusub ee Urur-gobaleedka IGAD oo ay ku loolamayeen dalalka Jabuuti iyo Kenya.
Hoggaamiyeyaasha IGAD ayaa waxaa ay Ra’iisul Wasaaraha suudaan Cabdalla Xamduuk u doorteen Guddoomiyaha Cusub ee
Urur-gobaleedka IGAD,kaas oo xilkaasi heyn doona muddo hal sano ah.

Ra’iisul-wasaaraha Suudaan waxa uu xilka Guddoomiyaha IGAD kala wareegi doonaa ra’iisul wasaaraha Ethiopia, Abiy Ahmed. Dowladda Ethiopia ay xilka Guddoomiyaha IGAD haysay tan iyo sannadkii 2010-kii.

Shirweynaha lagu doortay guddoomiyaha Urur-gobaleedka IGAD ayaa waxaa ka qayb galay dhamaan Madaxda Wadamada ku bohoobay Urur Goboleedka IGAD ee ka jira geeska Afrika.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa u hambalyeeyey Guddoomiyaha cusub ee Urur Goboleedka IGAD Cabdalla Xamduuk oo ah Raiisul Wasaaraha dalka aan walaalaha nahay ee Suudaan.

Ra’iisul Wasaare Cabdalla Xamduuk ayaa waxa uu xubin muhiim ah ka ahaa Guddiga Dhaqaalaha Qaranka ee Jamhuuiryadda Federaalka Soomaaliya kahor intii aan loo magacaabin Xilka Ra’iisul Wasaaraha dalka Suudaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here