Mo Farah oo shaaciyay inuu difaacan doono biladaha orodada sanadka 2020ka

0
428

Mo Farah oo shaaciyay inuu difaacan doono biladaha orodada sanadka 2020ka

Orodyahanka afarta jeer ku guuleystay horyaalnimada ciyaarada Olympic-da, Mo Faarax ayaa sheegay inuu difaacan doona billaddiisa orordka 10,000m(tobanka kun ee mitir),tartanka Tokyo Olympics ee lagu wado inuu dhaco sanadka soo socda ee 2020-ka.

Faarax oo ah 36 jir, islamarkaana matala wadanka Great Britain ayaa hore ugu dhowaaqay sanadkii 2017dii inuu ka fariistey tartamada waaweyn balse bilaabay inuu u tartamo orodka dheer ee maaratoonka loo yaqaan.

Mo Farah ayaa haysta billadaha dahabka ee orordka 5,000m(shanta kun ee mitir) iyo 10,000m(tobanka kun ee mitir), oo kala ahaa tartamadii Olympic-da ee 2012-kii iyo 2016-kii, wuxuu go’aansaday inuu dib ugu laabto meesha uu guulaha ugu badan kasoo hoyin jiray.

“Sanadka soo socoda, waxaan dib ugu noqonayaa tartanka weyn, waxaana isku dayi doonaa orodka 10,000m(tobanka kun ee mitir)”, ayuu yiri Mo Faarax oo bayaan soo dhigay baraha bulshada.

“Waxaan rajeynayaa inuusan xawaaraheyga wali isdhimin laakiin waxaan sameyn doonaa tababar badan, waana eegi doonaa waxa aan sameyn karo. Runtii aad baan u xiiseynayaa”, ayuu sii raaciyay hadalkiisa.

Orodyahanka asalkiisu yahay Soomaaliga ayaa bishii Oktoobar kaalinta 8aad ka galay tartanka Maaratoonka Chicago kaasoo uu sanadkii tegey kaalinta koowaad ka galay.
Go’aanka uu Mo Faarax dib ugu soo laabtay tartankan weyn ayaa kusoo aaday xilli uu wajahayo su’aalo laga weydiinayo xiriirka uu la leeyahay tababarihii hore ee orodka,

Alberto Salazar, oo lagu ganaaxay inuu shan sano ka fariisto ciyaaraha, ka dib markii lagu helay inuu ku xadgudbay sharciga mamnuucaya isticmaalka daroogada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here