Kenya Oo Sheegtay In Ay Dhaqan Gelisay Heshiiskii Madaxweyne Farmaajo Iyo Uhuru Kenyatta

0
405

Kenya Oo Sheegtay In Ay Dhaqan Gelisay Heshiiskii Madaxweyne Farmaajo Iyo Uhuru Kenyatta

Qoraal ka soo baxay wasaarada arrimaha dibbada dowlada Kenya ayaa lagu sheegay in dowlada Kenya ay si rasmi ah u dhaqangelisay heshiiskii ay madaxda labada dal ku gaareen magaalada Nairobi 14kii November ee sanadkan.

Sida lagu sheegay qoraalkan waxaa ay dowlada Kenya bilowday inay joojiso duulimaadyadii sida tooska ah ugaga soo baxay magaalada Muqdisho inay soo maraan magaalada Wajeer iyo in sidoo kale diblumaasiyiinta Soomaliyeed iyo xildhibaanada dowlada Soomaaliya ay dal-ku-galka Kenya ka qaataan marka ay tagaan dalka Kenya.

Qoraalkan ayay dowlada Kenya ku sheegtay inay si aad ah ugaga go’an tahay inay fuliso heshiisyada labada dal.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayaa diyaaradii ugu horeysay ee si toos ah ugaga duusha Muqdisho waxa ay ka degtey magaalada Nairobi.

Halkan hoose ka aqriso qoraalka oo dhan;

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here