Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiisyo cusub

0
395

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday Heshiisyo cusub

Dowladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah, kaddib kulan magaalada Ankara ku yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya iyo dhiggiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu.

Labada Wasiir ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal, iskaashiga iyo dano wadaaga, waxaana ay kala saxiixdeen heshiis is afgarad ah.

Heshiiska is-afgaradka ay kala saxiixdeen labada wasiir ayaa waxa uu ku salaysan yahay iskaashiga tababarka diblomaasiyadeed, isdhaafsiga xogaha iyo dukumintiga ee labada wasaaradood.

Qoraal kooban oo bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga Mevlut Cavasoglu ayaa sheegay in heshiiska ay kala saxiixdeen uu sii xoojin doono iskaashiga ka dhaxeeya labada Wasaaradood, isla markaana mar walba ay taageeri doonaan walaalaheena Soomaaliyeed sida uu yiri.

“Waxaan ka wada hadalnay xiriirkeena wanaagsan iyo arrimaha gobolka Wasiirka Arrimaha dibadda walaalkey Axmed Ciise Cawad, heshiiska aan la saxiixaday waxaa uu soo xoojin doonaa iskaashiga ka dhaxeeya wasaaradaheena”ayuu yiri Mevlut Cavasoglu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here