Afar Qof Soomaali Ah Oo Ku Geeriyootey Dab Ka Kacay Minneapolis

0
402

Afar Qof Soomaali Ah Oo Ku Geeriyootey Dab Ka Kacay Minneapolis

Dab xooggan ayaa ka kacay dhismo ay deganaayeen dad u badan Soomaali, kaasi oo ku yaalla magaalada Minneapolis ee dalka Maraykanka.

Wararku waxay sheegayaan in dabkan uu si gaar ah uga kacay dabaqa 14-aad ee dhismo ka kooban 25 dabaq, waxaana la sheegay in halkaasi ku dhinteen Shan qof oo Afar qof Soomaali yihiin, sidey sheegeen Soomaalida ku nool magaaladaasi.

Soomaalida dhimatay ayaa badi sababsaday sida la sheegay neefta oo ku dhegtay, maadaama ay waayeen goob ay ku baxsadaan, ama ay hawo ka helaan.

Waxaa soca baaritaanno dheeraad ah oo ku saabsan sababta keentay in dabkan uu kaco, iyadoo ciidamada Booliiska ay howshaasi wadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here