DAAWO : Sheekh Umal;”Aniga ayaa codsaday in muxaadaradu baaqato iyadoo dowladu dooneysay in la dhigo”

0
454

Sheekh Umal;”Aniga ayaa codsaday in muxaadaradu baaqato iyadoo dowladu dooneysay in la dhigo”

Sheekh Maxamed Cabdi Umal oo maanta munaasabad soo dhoweyn ah loogu sameeyay Hotel Royal Palace ayaa sheegay in muxaadaradii la doonayay in lagu qabto garoonka Inj Yariisow uu shaqsi ahaan u dalbaday in ay baaqato si aysan dhibaato ugu gaarin dad muslimiin ah.

Sheekh Umal ayaa qudbada waxa uu u mahadceliyay shacabka magaalada Muqdisho isagoo sheegay inuu u yimid dalka in uu ka qeybqaato wax u qabashada dadka fatahaadu saameysay balse laga codsaday in uu muxaadaro jeediyo.

“Aniga ayaa codsaday in la baajiyo muxaadarada iyadoo Madaxweynaha iyo dowladu ay doonayeen in la qabto.”ayuu yiri Sheekh Umal.

Sheekh Maxamed Umal ayaa kutilmaamay wax la yaab leh in lagu eedeeyo in uu fatwooday carruur Soomaaliyeed in la ogoontinimeeyo.

“Haddii aan ummad Soomaaliyeed dhiigooda daadinayo marka ay dhibaatadu gaarto uma soo gurmadeen xoolo uma soo ururiyeen.”ayuu ka mid ahaa hadaladii uu jeediyay Sheekh Umal maanta.

Halkan hoose ka daawo qeyb ka mid ah qudbadii Sheekh Umal;

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here