Guddigii diyaarinta sharciga doorashooyinka oo Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyay Sharciga doorashooyinka

0
451

Guddigii diyaarinta sharciga doorashooyinka oo Guddoonka Baarlamaanka u gudbiyay Sharciga doorashooyinka

Guddiga KMG ah ee Baarlamaanka Federaalka u magacaabay diyaarinta sharciga doorashooyinka ayaa soo gabagabeeyay howshooda, iyadoo shalay u gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Maxamed Mursal warbixintii u dambeysay ee ay ka soo diyaariyeen Sharcigii doorashooyinka.

Guddigan oo ka koobnaa 15 Xildhibaan ayaa bilihii la soo dhaafay ku howlanaa diyaarinta sharciga doorashooyinka, iyagoo tagay xarumaha maamul goboleedyada, lana kulmayay bulshada iyo Madaxda maamul goboleedyada.

Xubnaha Guddigan ayaa kulankii u dambeeyay ee diyaarinta sharciga doorashooyinka ku yeeshay dalka Jabuuti, gaar ahaan magaalada Carta, iyadoo doodo kala duwan ka yeeshay hannaan ay noqon karto doorashada dalka ka dhaceysa sanadka 2020/2021.

Sharciga doorashooyinka ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la horgeeyo Xildhibaanada Golaha Shacabka, si ay uga doodaan sharciga, isla markaana loo ansixiyo.

Dooda la xiriirta nooca doorasho ee dalka ka dhici karta ayaa aheyd mid aad isu soo tareysay, gaar ahaan in Madaxweynaha ay shacab soo doortaan, bedelkii ay u soo dooran jireen Xildhibaanada, waxaana qodobkan uu yahay kan ugu adag ee u baahnaan doona in wax laga bedelo qodobka 89aad ee dastuurka oo dhigaya in Madaxweynaha ay dooranayaan Baarlamaanka Labada Gole

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here