Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaaliya Oo Maanta Kulan Wadajir Ah Yeelanaya

0
444

Labada Aqal Ee Baarlamaanka Somaaliya Oo Maanta Kulan Wadajir Ah Yeelanaya

Xildhibaanada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo Arbaco ah taariikhduna ay ku beegan tahay 20-ka Bisha Novembe ayaa waxaa kulankii ugu horeeyay oo wadaji ah ay ku yeelanayaan Magaalada Muqdisho.

Xildhibaanada ka tirsan Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee dalka ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in Maanta kulan wadajir ah uu jiro, isla markaana laga doonayo inay ka soo qeyb galaan.

War kasoo baxay Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu shaaciyay in Ajendaha kulankan uu yahay Akhrinta 1aad ee Miisaaniyadda 2020, iyadoona Xildhibaanada ay saacadaha soo socda la filaayo inay meel-mariyaan.

Heshiiskii horay u dhexmaray Labada Guddoon ee Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ayaa qodob ka mid ah ku jiray in Miisaaniyadda Xukuumadda soo ansixiyo ay labada Gole wadajir u meel mariyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here