DEG DEG : Alshabaab oo xaqiijiyay in ay Somaliland Ka la wareegeen deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

0
519

DEG DEG : Alshabaab oo xaqiijiyay in ay Somaliland Ka la wareegeen deegaan ka tirsan gobolka Sanaag

Ururka Al-Shabaab ayaa markii ugu horeysay ka hadlay dagaalamayaal ka tirsan oo gaaray deegaan ka mid ah gobolka Sanaag.

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa daabacday inay la wareegeen deegaanka Gacan-maroodi oo ka tirsan degmada Yubbe ee gobolka Sanaag.

Shabakada lagu magacaabo Shahaada ayaa daabacday in Axadii aynu ka soo gudubnay ay si rasmi ah ula wareegeen deegaanka Gacan-Maroodi oo qiyaastii 50KM u jirta magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag.

Sidoo kale waxaa bogga taageera Al-Shabaab ayaa lagu soo bandhigay sawirka dagaalamayaasha Al-shabaab oo gudaha u sii galaya deegaankaasi.

Ururka Al-Shabaab oo hore aan u joogin gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ayaa noqonaysa markii ugu horeysay ee ay ka gudbaan deegaanada Puntland oo ay saldhigyo ku leeyihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here