Taleefankaaga Gacanta Waxaa Ka Buuxa Barnaamijyo Aanad Isticmaalin Oo Dhibaato Ku Haya Mobile Ka

0
1173

Taleefankaaga Gacanta Waxaa Ka Buuxa Barnaamijyo Aanad Isticmaalin Oo Dhibaato Ku Haya Mobile Ka

Washington (Dalmar-News)- Waxaa inta badan dhacda in qofka taleefanka casriga ah isticmaalyaa uu ku soo dejisto barnaamijyo ay u badan tahay in aanu isticmaalin ama uu marar dhif ah uun isticmaalkooda u baahdo. Laakiin xeeldheereyaasha teknoolajiyadu waxa ay ka digayaan khtaro ay barnaamijyadaas aan loo baahnayni ku yeelan karaan xogta gaar ka ah ee qofka ugu kaydsan taleefankiisa gacanta.

Aleksandar Vukcevich oo ka tirsan shirkadda ‘AVIRA’ ee ka shaqaysa amniga teknoolajiyada xogta, ayaa sheegay in barnaamijyada taleefanka casriga ah lagu soo dejiyo, qaarkood ay raad taban ku yeeshaan habsami u shaqaynta taleefanka, taas oo khatarteedu u sii kala badan tahay sida ay u kala duwantahay tayada taleefanku.

Aleksandar waxa uu ku taliyey in qofku marka uu barnaamij ku soo dejinayo taleefankiisa gacanta, ay la gudboontahay in uu maskaxda ku hayo in barnaamij mastaa uu hawlo badan oo aan shaashadda ka muuqan qabto; tusaale ahaan marka aad isticmaalayso barnaamijyada cimilda iyo xaaladaha jawiga laga eego, waxaa aad ogaataa in uu yahay barnaamij xogta ku duugani ay aad si joogto ah isu bedbeddelayso, joogtana u shaqaynaya. Arrintan ogaanshiyaheedu waxa ay muhiim u tahay in aad ogaato in barnaamijkan joogtada u shaqaynayaa uu internet dheeraad ah iyo dab isticmaalayo.

Barnaamijyo badan oo kale ayaa la mid ah, oo adiga oo ana isticmaalayn iyagu is wada ama hawlo shaqadooda ka mid ah ku mashquulsan, taas oo ugu dambaynta disha baytariga taleefanka, ama soo gaabisa muddada uu baytarigu sii shaqayn karo.

Dhibaatada kale waa in qofku aanu inta badan aqoon u lahayn ama fahmi karin xogta taleefankiisa gacanta ku jirta ee uu barnaamijka uu soo dejistay gaadhi karo ama xidhiidhka la yeelan karo, isaga oo aan dareensanayn.

Christian Fun oo isaguna ka tirsan shirkadda ammaanka teknoolajiyada ee “Kaspersky Lab” ayaa sheegay in barnaamijyad aynu taleefannadeenna gacanta ku soodejinno qaarkood, ay ku xidhmaan ama isku dayaan in ay u gudbaan xogaha taleefanka ku jira oo aanay mararka qaarkood shaqadoodu ku xidhnayn. Tusaale ahaan qashaafadda ama toosha aad taleefankaaga gacanta ku soo dejiso ayaa ku weydiinaysa in aad u ogolaato in ay u gudubto xogaha ku kaydsan taleefanka iyo xidhiidhada aad samayso.

Funk waxa uu ka digay khatarta ay arrintaasi leedahay, isaga oo sheegay suurtagalnimada in barnaamijyadani ay xogta shakhsiga ah ee qofka taleefanka leh u diraan cid sadexaad, isla markaana ay dhici karto in cid dembi gelaysaa ay adeegsato. Waxaana xaaladda sii fududaynaya taleefannada gacanta ee casriga ah oo aad loogu xidho internet ka, taasina fududaynayso dirista xogta ku jirta.

Waxa kale oo xogtaada ka faa’iidaysan kara dadka sameeya barnaamijyada fayraska ah ee ay cid ku weeraraan, tusaale ahaan in xogta ay ka helaan taleefankaaga ay uga faa’iidaysan karaan in ay la xidhiidhaan dadka kuugu jira taleefanka ama Emailka, si ay ugu qariyaan fayraska ay doonayaan in ay u diraan.

Xeeldheereyaashu waxa ay ka ku talinayaan in marka aad barnaamij ku soo dejinayso taleefankaaga gacanta aad u fiirsato su’aala uu ku weydiinayo iyo ogolaanshiyaha uu kaa rabo, si aanad si ka fiirsasho la’aan ah ugu fasaxin in uu u gudbo xogtaada gaarka ah.

Waxa ay xeeldheereyaashu aad ugu taliyeen in taleefankeenna gacanta ee casriga ah ka masaxno dhammaan barnaamijyada aynaan isticmaalkooda u baahnayn, si aynu u adkayno amniga xogteenna talee4fanka iyo si aynu u badbaadinno baytariga taleefanka.

Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here