Xisbiga talada haya ee dalka Canada oo mar kale ku guuleystay doorashada ka dhacday dalkaas

0
387

Xisbiga talada haya ee dalka Canada oo mar kale ku guuleystay doorashada ka dhacday dalkaas

Xisbiga Liberal-ka ee talada haya dalka Canada ee uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaaraha dalkaas Justin Trudeau ayaa mar kale ku guuleystay doorashadii dhacday, taasoo mar kale ka dhigeysa inuu dalkaas sii hoggaamiyo markii labaad.

Inkastoo aanu Xisbiga Trudeau ku guuleysan kuraastii loo baahnaa ee Aqalka Baarlamaanka, hadana waxaa laga doonayaa inuu kaashado axsaabta siyaasadda kale, si uu u soo dhiso dowlad isbaheysi ah, maadaama uusan helin aqlabiyadii loo baahnaa.

Ra’iisul Wasaaraha Canada Justin Trudeau ayaa muddooyinkii u dambeeyay wajahayay fadeexado ku soo baxay xilligii Ololaha doorashada, waxaana Xisbigiisa uu loolan adag kala kulmay Xisbiga Midigta dhexe ee loo yaqaano Conservative-ka.

Xisbiga Liberal-ka ayaa xilka heyn doona afarta sano ee soo socota, waxaana guusha ay ka soo hoyeen doorashada laga soo dhoweeyay gobolada ay ku xooggan yihiin taageerayaasha Xisbigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here