Maanta Oo Ku Beegay Maalinti Kacaanka 21 Oktoobar Iyo Afar arrimood oo lagu xusuusto Dowladdii Kacaankii Siyaad Bare

0
494

Maanta Oo Ku Beegay Maalinti Kacaanka 21 Oktoobar Iyo Afar arrimood oo lagu xusuusto Dowladdii Kacaankii Siyaad Bare

Dowladdii kacaanka oo curatay 21-kii October, sannaddii 1969 ayaa ahayd middii ugu waqtiga dheereed ee soo marta Soomaaliya.
Afgambiga waxaa sababay dilkii madaxwaynihii Soomaaliya, Cabdi Rsahiid Cali sharma’arke, ee 15-kii bishii October sannaddii 1969 oo lagu dilay magaalada Laascaanood.
Markii uu dilkaasi dhacayay waxaa dalka Raisul wasaare ka ahaa allaha u naxariistee Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal.
Cigaal waxaa xilligii uu dilka dhacayay uu ku sugnaa magaalada New York oo uu uga qayb galayay shirkii Qaramada Midoobay, wuxuuna markii uu dilka maqlay uu si degdeg ah ugu soo laabtay dalka.
Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markuu dalka ku soo laabtay wuxuu billaabay sidii loo dooran lahaa madaxwaynihii baddali lahaa Cabdi Rashiid.
Waxaa xilligaasi laga dooday cidda madaxwayna noqonaysa waxaana ugu dambeyntii lagu heshiiyay 20 October in Xaaji Muuse Boqor uu noqdo madaxwaynaha baddalaya allaha u naxriistee Cabdi Rashiid Cali Sharma’arke, balse taasi laguma simin in taladaasi ay meel marto.
Xildhibaankii xannuunka uga baaqday doorashada Farmaajo oo geeriyooday
Cuba oo xustay askartii uga dhimatay dagalkii 1977 ee Itoobiya iyo Soomaaliya
Waa kuma korneylka Soomaaliyeed ee lagu xukumay Mareykanka?
Lahaanshaha sawirka.
Image caption
Shantii golihii sare ee Kacaanka
1. Qaabkii uu u dhacay afgabmiga
Habeennimadii 21 October 1969 waxaa talada dalka la wareegay militarigii dalka ka jiray.
Ciidamadii talada qabsaday lama garaneyn cidda hogaaminaysay xilligaasi, balse waxay kala cadaatay 1-di bishii November 1969 oo lagu dhawaaqay xubnihii golihii sare ee kacaanka oo ka koobnaa 25 xubnood.
Alle ha u naxariistee, Maxamed Siyaad Bare ayaa khudbaddii ugu horeysay jeediyay 23 october sannadkii 1969 taasi oo uu uga hadlayay wax ay doonayaan in ay qabtaan.
“Waxaanu dooneynaa in uu dalku noqdo mid sharci ku dhisan, inaanu dadka ka dhigno dad sharciga u hogaansan, waxaanu dooneynaa inaan ku talaabsano laaluush inaanu baabi’ino, waxaanu doonaynaa inaanu ku talaabsano qaraaba kiilka inaan baabi’ino, waxaan doonaynaa inaanu ku tallaabsano qabiilkii xumaa inaan baabi’ino”, ayuu yiri Maxamed Siyaad Bare.
Janaraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa saraakiishii xiligaasi ayaa sheegay in afgambiga uu ahaa mid si wayn loo qorsheeyay.
“Wuxuu inqilaabka u dhacay ciidamadii ayaa la qeybiyay, Idaacadii ayuu qabsaday, wuxuu qabsaday xaruntii dowladda, wuxuu qabsaday bangigii dhexe, baarlamaanka ayuu qabsaday, meelaha halbowlaha ah oo dhan ayaa ciidan loo diray”, ayuu yiri Janaraal Galaal.
“Ma ahayn qorshaynta afgembiga mid qarsoon way iska cadeyd nimankii meesha joogay umbaa damanayaal ahaa oo haddii wax kasta loo sheegayna way aqbali waayeen inqilaabkaas sidaa ayuu ka dhacay”, ayuu yiri.
Haddaba markii ay dowladdii Kacaanka xukunka la wareegtay waxay ku dhaqaaqeen dhowr arrimood oo dhanka horumarinta bulshada iyo dalka ah.
Dadka taageera Maxamed Siyaad Bare waxay sheegaan in dowladdiisa intii ay jirtay, in dalka uu isbadallo hormar leh ka sameeyay, halka kuwa dhaliila ay fikir kaa ka duwan ay qabaan.
Lahaanshaha sawirkaSOMALI ARCHIVE
Image caption
Qaar ka mid ah guddigii qoray afka Soomaaliga
2. Qoriddii Afka Soomaaliga
Qoridda afka Soomaaliga ayaa ka mid ahaa waxyaabihii lagu ammaanay dowladdi kacaanka ee Maxamed Siyaad Bare.
Sannadkii 1972-dii ayay ahayd markii ugu horeysay ee la qoro afka Somaaliga, waxaa uuna Maxamed Siyaad Bare aaminsanaa in dadka ay afkooda hooyo uga ciil bixi karaan dhanka waxbarshada.
“Gunnimo cilmi ah ama tacliin ah wax afka hooyo aan ahayn oo naga bixin karo ma jiro taasi markaan baranana cilmigii kale waa badan yahay waana ballaaran yahay wixii lagu baran karo waa uun afka hooyo, mid kale laguma baran karo saa darteed afkii hooyo ayaan dhigeynaa”, ayuu yiri Mr siyaad.
Prof Maxamed xaaji Raabi wuxuu ka mid ahaa maclimiintii kulayadii waxbarashada Lafoole qeybta luuqadaha waxa uuna ka mid ahaa barayaashii ugu horeysay ee luuqada Soomaaliga ka dhigta kuliyadda.
“Markiiba kacaanka waxay ku dhaqaaqeen in Afsoomaaliga la qoro markaa guddi.

 

Bbcsomali

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here