Wafti Ka Socda Midawga Yurub Oo Soo Gaadhay Hargeysa, Maantana La Yeelan Doona Kulamo Laysugu Soo Dhawaynayo Madaxweyne Biixi Iyo Hogaamiyayaasha Mucaaradka

0
387

Wafti Ka Socda Midawga Yurub Oo Soo Gaadhay Hargeysa, Maantana La Yeelan Doona Kulamo Laysugu Soo Dhawaynayo Madaxweyne Biixi Iyo Hogaamiyayaasha Mucaaradka

Hargeysa(Dalmar-News)-Wafti baladhan oo ka socda midowga Yurub ayaa soo gaadhay shalay magaalada Hargeysa.

Wafigan ka socda Midawga Yurub ayaa madaxweye Biixi iyo hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah Cabdirxmaan Maxamed Cadbilaahi (Cirro) iyo Eng.Faysal Cali Waraabe kala hadli doona maanta khilaafka soo kala dhex galay ee la xidhiidha xubnaha loo soo xulay guddida doorashooyinka ee cusub.

Xisbiyada mucaaradka ah ee UCID iyo WADDANI ayaa hakiyay labadii xubnood ee ay u gudbiyeen golaha wakiilada kadib markii ay cabasho ka muujiyeen laba xubnood oo madaxweyne Biixi u gubyay golaha wakiilada kuwaas oo kala ah Cabdirashiid Maxamuud Cali (Riyo-raac) oo lagu eedeeyay inuu xisbiga Kulmiye ka tirsan yahay iyo Kaltuun Sheekh Xasan oo ka mid ah komishanka xilku ka dhamaanayo kuwaas oo ka mid ah xubnaha madaxweyne Biixi uu soo xulay .

Midawga Yurub ayaa bishii todobaad ee sanadkan waxa uu isku soo jiiday xisbyada siyaasada Somaliland ee Kulmiye,Waddani iyo Ucid kuwaas oo mudo dheer isku khilaafsanaa gudida doorashooyinka oo xisbiga Waddani kalsoonida kala noqday, waxaana markaas la gaadhay heshiis shan qodob ah oo khilaafkaas lagu soo gunaanaday, waxaanay hada u muuqataa in mar labaad loo baahday in midawga Yurub uu isku soo jiido hogaamiyayaasha siyaasada Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here