Doonyo hub & saanad Milateri ka dejiyey xeebta Hobyo & Xog ku aadan cida loo wado

0
495

Doonyo hub & saanad Milateri ka dejiyey xeebta Hobyo & Xog ku aadan cida loo wado

Wararka aan ka heleyno Degmo xeebeedka Hobyo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa ay sheegayaan in saacadihii la soo dhaafay dowladda Federaalka Soomaaliya halkaas ay ka dejisay hub iyo saanad Ciidan.

Dad ku sugan Hobyo ayaa sheegay in Dowladda Federaalka hubka ay keentay Degmada lagu soo daad gureeyay Doomo,isla markaana laga soo dejiyay Dekadda Magaaladaas.

Wararka ayaa intaasi waxaa ay ku darayaan in Hubkan laga soo qaaday Dekadda weyn ee Muqdisho,isla markaana uu yahay mid aad u farabadan,kuwaasi oo dowladda ugu talagashay Taliska qeybta 21-aad ee Ciidanka Xoogga dalka ee ku sugan deegaanada Galmudug.

Saraakiil ka tirsan Ciidanka dowladda ayaa waxaa ay sheegeen in hubkaas dowladda ay ku dooneyso in lagu howlgeliyo Ciidamada si ay deegaanada Galmudug uga bilaaban howlgal ka dhan ah Al-shabaab.

Si kastaba kal hore Wasiirka amniga Xukuumadda Maxamed Abuukar Islow Ducaale xili uu ku sugnaa Magaalada Dhuusamreeb ayaa waxaa uu sheegay in deegaanka Galmudug ay ka bilaabi doonaan howlgalo xoreyn ah kahor Doorashada Madaxweynaha Galmudug.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here