Abiy Axmed oo Jabuuti u jooga xalinta khilaafka ka dhashay cida qabaneysa Madaxtinimada IGAD

0
412

Abiy Axmed oo Jabuuti u jooga xalinta khilaafka ka dhashay cida qabaneysa Madaxtinimada IGAD

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa ku sugan dalka Jabuuti, iyadoo socdaalkiisa la xiriiro arrimo ku saabsan Gobolka iyo khilaaf ka dhashay cida qabaneysa Madaxtinimada Urur Goboleedka IGAD, kaddib shirkii dhowaan ka dhacay magaalada Addis Ababa.

Abiy Axmed ayaa la kulmay Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle, iyagoo ka wada hadlay arrimaha soo kordhay ee khilaafka Madaxtinimada IGAD.

Kulankii ugu dambeeyay ee Madaxda IGAD ku yeesheen Addis Ababa, waxaa lagu go’aamiyay in Itoobiya iyo Kenya ay is weydaarsanadaan Guddoomiyaha IGAD iyo Xoghayaha Guud ee IGAD.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed ayaa hayay xilka Guddoomiyenimada IGAD oo waqtigiisa dhamaaday, iyadoo uu la wareegi doono Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta.

Sidoo kale Kenya ayaa iyana wareejin doonta xilka Xoghayaha Guud ee IGAD ee uu haayo Maxbuub Macalin oo ah Soomaali Kenyan, waxaana xilka Xoghayaha la wareegi doona nin u dhashay dalka Itoobiya.

Dowladda Jabuuti ayaa ka soo horjeeda qeyb ahaan go’aankaas hoggaanka IGAD ay isku wareejiyeen Itoobiya iyo Kenya, halka dowladda Federaalka Soomaaliya ay horay u dooneysay xubinta xilka Xoghayaha Guud ee IGAD, waxaana horay u jiray qorshe ahaa in xilkaas loo magacaabo C/salaan Hadliye Cumar oo soo noqday Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibadda Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here