Kulamada Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Dib U Furmaya

0
412

Kulamada Xildhibaanada Golaha Shacabka Oo Maanta Dib U Furmaya

Xildhibaanada Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa Maanta oo ay taariikhdu ku beegan tahay 19-ka Bisha Octoober 2019,waxaa lagu wadaa in kulankii 1-aad ee Kalfadhiga 6-aad ay ku yeeshaan Magaalada Muqdisho.

Kulamada Xildhibaanada Golaha Shacabka ayaa dib u furmaya,kadib markii uu dhammaaday fasaxii labada Bil ahaa ee ku maqnaayeen Xildhibaanada,iyadoona dhawaan Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka uu sirasmi ah u furay Madaxweyne Farmaajo.

AKHRISO
RW Kheyre oo kulamo kala duwan ka wada Washington
Oct 19, 2019
Askartii ka dambeysay Dilka Taliyihii Ciidanka Gorgor oo la xiray
Oct 19, 2019
Sawirro:-Shir ay Soomaaliya ka qeyb gashay oo lagu soo Gaba-gabeeyay Kampala
Oct 19, 2019
Ajendaha kulanka ayaa ah Hadal Jeedinta Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo Akhrinta 1aad ee Heshiiska Ilaalinta Hiddo Dhaqameedka Aan muuqan iyo Heshiiska Khuseeye Ilaalinta Hidda Dhaqameedka & Midka Dabiiciga.

Sidoo kale Xildhibaanada ayaa xalay waxaa loo diray fariimo ku aadan in Maanta uu jiro kulanka,isla markaana ay dib u furmayan kulanka Golaha loogana baahan yahay inay kasoo qeyb galaan.

Si kastaba Xildhibaanada Golaha Shacabaka Baarlamaamka Soomaaliya ayaa waxaa haatan horyaalla Ajendayaal dhowr ah oo laga doonayo inay Meel-mariyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here