Erdogan oo fariin hanjabaad ah u diray maleeshiyada Kurdida ee ku sugan Suuriya

0
430

Erdogan oo fariin hanjabaad ah u diray maleeshiyada Kurdida ee ku sugan Suuriya

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ku hanjabay in ay dalkiisa uu sii wadi doono baacsiga uu ku hayo maleeshiyada Kurdida hadii aysan isaga bixin deegaanada ay kaga sugan yihiin waqooyiga Suuriya ee u dhow xadka Turkiga.

Mr Erdogan oo warbaahinta kula hadlayay magaalada Istanbul ayaa sheegay in Kurdida ay waajib ku tahay in qiyaastii 30 kiilo Mitir in ay isaga baxaan meelaha hada ay ku sugan yihiin oo 440 kiilo mitir dhanka bari u jirta xadka Turkiga uu la wadaago Suuriya.

Hadii balanta aysan hirgalin ilaa fiidnimada talaadada, waxaan sii anba qaadi doonaa howlgalka si aag ka caagan colaada aan u Abuurno ayuu yiri Erdogan.

Xukuumada Ankara ayaa liiska waxa loogu yeero Argagixisada ku dartay maleeshiyada Kuridada, kuwaasi oo marar badan isku dayay in weeraro ay ka geestaan gudaha Turkiga.

Dhanka kale howlgalkan ayaa Turkiga uga gol leeyahay sidii aag ka caagan colaada looga abuuri lahaa gudaha suuriya maadaama uu culeys u arko sadax million oo qaxooti ah oo ku nool Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here