Mustafe Cagjar Oo Xil U Magacaabay Sarkaal Horey U Soo Maamulay Jeel Ogaadeen

0
502

Mustafe Cagjar Oo Xil U Magacaabay Sarkaal Horey U Soo Maamulay Jeel Ogaadeen

Sarkaalkii maamulayay xabsiga Jeel Ogaadeen, xilligii uu Cabdi Maxamuud Cumar uu Madaxweynaha ka ahaa Dowlad Deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, ayaa loo magacaabay xil sare.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida ee Itoobiya, Mustafe Cumar ayaa xil u magacaabay kornayl Caysane Sheekh Maxamed oo madax ka ahaa xabsiyada dowlad deegaanka xiligii Cabdi Maxamuud Cumar uu talada hayay.

Intii uu madaxda ka haa xabsiga Jeel Ogaadeen, ayaa hay’adaha u dooda xuquuqda aadanaha waxay sheegen in maxaabiis badan loo geystay tacaddiyo daran.

Waxaa hadda loo magacaabay taliyaha dugsiga tababarka ee Garab Case.

Kornayl Caysane oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in xiligii uu madaxda ka ahaa xabsiga uu aad ugu ololeyn jiray sidii wax looga qaban lahaa noolasha maxaabiista.

Caysane ayaa sheegay in uu aad ugu dedaalay sidii wax looga qaban lahaa noolashada daryeel xumada ee ay ku sugnaayeen maxaabiista, wuxuuna intaa ku daray in dhibaatada xabsiga ka jirta uu ku wargeliyay hay’adda xuquuqul insaanka ee dalka Itoobiya lanateeda Jigjiga oo uu uga warramay dhibaatadii ka taagneyd halkaas.

Waxaa kale oo uu sheegay in markii dambe ay diideen inay qaabilaan maxaabiis horleh, sababa la xiriira dhanka noolasha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here