Maxaa kalifay in Maxkamadda ICJ markii labaad dib u dhigtay dhageysiga Dacwadda badda?

0
411

Maxaa kalifay in Maxkamadda ICJ markii labaad dib u dhigtay dhageysiga Dacwadda badda?

Qoraal uu bartiisa Facebook ku soo qoray Safiirka Soomaaliya u fadhiya Madowga Yurub Danjire Cali Fiqi ayuu ku sheegay in Maxkamadda ICJ ay dacwada dib u dhigtay illaa 8 bisha June ee sanadka 2020.

“Maxkamada ICJ waxay galabta go’aamisey in dhageysiga dacwada badda ee u dhaxeysa Somalia iyo Kenya laga dhigo June 8- 12, 2020. Iyadoo go’aankeeda ku cadeeysey inay fileyso in labada waddan u yimaadaan dhigeysiga maxkmada. Go’aankaana u yahay mid kama dambeys ah ee mar dambe dib loo dhigi doonin”ayuu yiri Danjire Cali Fiqi.

Maxkamadda ICJ ayaa horay dib ugu dhigtay dhageysiga dacwasa horaanta bisha November, taasoo aheyd codsi ka yimid dowladda Kenya, hase ahaatee waxaa horau jiray cadaadis ka imaanayay Kenya oo ahaa in sanad dib loo dhigo.

Wafdi ka socday dowladda Federaalka oo uu hoggaaminayo Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed oo bishii hore tagay magaalada Hague ayaa la soo kulmay Madaxda Maxkamadda iyo wafdiga Kenya, iyagoo ka wada hadlay arrimaha dacwada labada dal iyo dalab kale oo ay waday Kenya oo ahaa in ilaa dhamaadka sanadka 2020 dib loo dhigo, hase ahaatee ay dowladda Federaalka ku gacan seyrtay.

Go’aanka Maxkamadda ICJ ay mar kale dib ugu dhigtay dhageysiga Dacwada Badda ayaa u muuqata mid lagu xagal daacinayo guusha la filayo in dowladda Federaalka ka soo hoyso dacwadaas, maadaama in muddo ah Kenya waday in qaab wada hadal lagu xaliyo, iyadoo dalal badan oo Caalamka ahna u kaashaneysay cadaadiskeeda ku aadan in dowladda Federaalka Soomaaliya lagu qanciyo in qaab wada hadal lagu xaliyo muranka badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here