Nin Ay Walaalo Yihiin Madaxweynaha Iiraan Oo Xabsi Shan Sano Ah Lagu Xukumay

0
429

Nin Ay Walaalo Yihiin Madaxweynaha Iiraan Oo Xabsi Shan Sano Ah Lagu Xukumay

Nin ay walaalo yihiin Madaxweynaha dalka Iran, Hassan Rouhani ayaa lagu soo warramayaa in uu u bilawday shan sano oo xarig ah, kadib markii lagu helay dembi musuqmaasuq.

Qareenka Hossein Fereydoun, oo aad ugu dhawaa Madaxweynaha dalkaas, la taliyena u ahaa ayaa sheegay in Hosseni uu maalin kahor galay xabsiga Evin ee Magaalada Tehran.

Ninkan ayaa lagu helay dembi ah in uu qaatay “laalush” bishii May ee sanadkan, markii lagu helay dembigaas na lagu xukumay toddobo sano oo xarig ah.

Hossein Fereydoun, ayaa dib ugu laabtay maxkamadda, si uu racfaan uga qaato kiiska, waxaana laga yareeyay xukunka oo lagu soo koobay shan sano.

Hossein ayaa sidoo kale lagu amray in uu dowladda ku wareejiyo hantidii uu ku iibsaday lacagtii laalushka ahayd ee la sheegay in uu qaatay, waxaana sidoo kale loo raaciyay ganaax lacageed oo dhan 310 bilyan oo riyaal, taas oo u dhiganta 2.1 milyan oo doolar.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here