Alshabaab Oo Sheegatay 3 Ruux Oo Lagu Dilay Muqdisho

0
437

Alshabaab Oo Sheegatay 3 Ruux Oo Lagu Dilay Muqdisho

Kooxo hubeysan ayaa fiidnimadii xalay waxaa degmada Waabari ee gobolka Banaadir ay ku dileen 3-qof oo dhalinyaro ahaa kuwaas oo ku socday Mooto Bajaaj sida dadka deegaanku ay sheegeen.

War qoraal ah oo lagu daabacay baraha Enterneta ee ay maamulaan Alshaab ayaa looga hadlay dil xalay ka dhacay magaalada Muqdisho kaas oo loo geystay 3 ruux oo dhalinyaro ah.

Alshabaab ayaa sheegatay masuuliyadda dilkaas waxaana ay sheegeen in ay dileen xubno ka tirsanaa Sirdoonka Soomaaliya sida ay hadalka u dhigeen in kasta oo ilaa iyo haatan sheegashadaas aysan ka hadal saraakiisha hay’adaha amaanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here