Madaxweyne Erdogan oo Jawaab adag siiyay Mareykanka shaacana ka qaaday in aysan…

0
404

Madaxweyne Erdogan oo Jawaab adag siiyay Mareykanka shaacana ka qaaday in aysan…

Dowlada Turkiga ayaa dhagaha ka fureesatay baaqa iyo cadaadiska xoogan ee kaga imaanaya dowlada Mareykanka oo ugu baaqday Xukuumada Ankara in ay joojiso duulaanka Waqooyiga Siiriya ku qaaday.

Madaxweynaha dalka Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa ka hor yimid baaqa dowlada Mareykanka ee ku aadan in la gaaro heshiis xabad joojin ah, waxa uuna shaaciyay Erdogan in waligood aysan ku dhawaaqeyn heshiis xabad joojin ah.

”Waxay nagu yiraahdeen ku dhawaaqa heshiis xabad joojin ah, weligeen kuma dhawaaqi doono, Waxay nagu cadaadinayaan in aan joojino howlgalka, waxay ku dhawaaqeen cunaqabateyn, hadafkeenu wuu cad yahay, wax welwel ah naguma heyso cunaqabateynta lanagu soo rogay” ayuu yiri Madaxweyne Erdogan.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in ujeedada hawlgalkan ay ciidankiisa kawadaan Waqooyiga Siiriya ay tahay samaynta aag ammaan ah oo laga sifeeyay xooggaga Kurdiyiinta, si halkaasi loo dejiyo qaxootiga Suuriya.

Hadalkan adag ee kasoo yeeray Madaxweynaha Turkiga ayaa imaanaya xili maanta la filayo in Turkiga gaaraan Madaxweyne kuxigeenka Mareykanka iyo Wasiirka arimaha dibada dalkaasi si ay Xukuumada Ankara ugu cadaadiyaan xabad joojin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here