Axmed Madoobe “Wada hadal iyo dib u heshiisiin diyaar baan u nahay cid walba oo wax tabaneysa…”

0
572

Axmed Madoobe “Wada hadal iyo dib u heshiisiin diyaar baan u nahay cid walba oo wax tabaneysa…”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa mar kale ku celiyay inuu diyaar u yahay wada hadal iyo dib u heshiisiin lagu xaliyo cid walba oo wax ka tabanaysa.

Isagoo xalay ka hadlayay munaasabad lagu sagootinayay wafuudii ka qeyb gashay caleema saarkiisa ayuu sheegay in khilaafka kala dhaxeeya dowladda Federaalka uu diyaar u yahay in wada hadal lagu xaliyo.

“Wada hadal iyo dib u heshiisiin diyaar baan u nahay cid walba oo wax naga tabanaysa miiska wada hadalkaan ku kala baxaynaa iyo sharciga”ayuu yiri Axmed Madoobe.

Waxaa uu sheegay in dowladda Federaalka ay tahay hooyada Federaalka ee dalka, isla markaan aloo baahan yahay wixii qalad ah ay saxdo, wixii wanaag iyo sharci ahna la isugu yimaado, dadkana isu keento.

“Waxaan rabnaa wadanka dowladda iyada ayaa xukunta annaga khilaaf ma wadno hoggamintooda ayaan rabnaa xumaan ma wadno, waxaana diyaar u nahay wax kasta oo lagu xalin karo khilaafka gudaha iyo kan dibada”ayuu mar kale yiri Axmed Madoobe.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in cid kasta ay uga wakiil tahay sidii khilaafka loo xalin lahaa, isagoo mar kale ugu baaqay wada hadal dhinacyada kale ee ku sugan Kismaayo, kuwaasoo ka soo horjeeda maamulkiisa.

Maamulka Jubbaland ayaa weli wajahaya culeysyo uga imaanaya dhanka dowladda Federaalka, kaddib markii dhowaan Xukuumadda ay sheegtay in aanay aqoonsaneyn doorashadii ka dhacday Kismaayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here