Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Furaya Kalfadhiga 6-Aad Ee Baarlamaanka Dalka

0
413

Madaxweyne Farmaajo Oo Maanta Furaya Kalfadhiga 6-Aad Ee Baarlamaanka Dalka

Maanta oo arbaco ah ayaa lagu wadaa in uu furmo Kalfadhiga 6aad ee baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, kadib Labo bil fasax ah oo ay xildhibaannadu ku maqnaayeen.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa lagu wada in uu maanta furo kalfadiga lixaad ee Golaha shacabka iyo aqalka sare, waxaana la filayaa in uu madaxweynaha uu khudbadiisa kaga hadlo arrimo badan.

Sidoo kale Munaasabada  furitaanka kalfadiga lixaad ee Golaha shacabka ayaa  waxaa marti ku ah Guddoomiyaha Baarlamaanka dalka Jabuuti Maxamed Cali Xaamu oo haatan ku sugan Baydhabo iyo Guddoomiyeyaasha Golaha Shacabka iyo Aqal Sare ee dalka,Xildhibaano Safiiro iyo Mas’uuliyiin oo ka tirsan dowladda oo lagu Casuumay.

Kalfadhiga lixaad ayaa maanta ka furmaya Xarunta Booliska ee Jeneraal Kaahiye,isla markaana waxaa haatan socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee Munaasabadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here