Madaxweyne Farmaajo “Nidaamka Federaalka ma siinayo madax banaani gaar ah Maamul goboleedyada”

0
473

Madaxweyne Farmaajo “Nidaamka Federaalka ma siinayo madax banaani gaar ah Maamul goboleedyada”

Khudbad uu ka jeediyay Furitaankii Kalfadhiga 6aad ee Baarlamaanka Labada Gole ayaa sheegay inay diyaar u yihiin inay dhageystaan cid kasta oo wax tabaneysa, isla markaana ay raalli gelinayaan cid kasta oo raalli gelin mudan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa hadalo maldahan oo u muuqday kuwo ku socday Siyaasiyiinta Mucaaradka u jeediyay, isagoo tilmaamay in haddii ay jiraan kuwo raba inay dalka ku hoggaamiyaan si qasab ah, uu dalka ka soo gudbay xilligii jahwareerka ah.

“Haddii ay jiraan kuwa raba inay dalka ku hoggaamiyaan si qasab ah, dalkeenu waa ka soo gudbay xilligii jahwareerka iyo in dadka lagu owrkacsado, marnaba ma ogolaan doono in dalka dib u noqdo, wax Qaranimada ka yar ma aqbaleyno”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Sidoo kale Madaxweynaha oo ka hadlayay nidaamka Federaalka ayaa sheegay umadda Soomaaliyeed ay dooratay Nidaamka Federaalka, isla markaana aanay jirin cid wax ka bedeli karta.

“Nidaamka Federaalka waa nidaam umadda Soomaaliyeed ay dooratay waa hab maamulka dowladeena, umadda soomaaliyeed illaa iyada ka go’aansato inay wax ka bedesho dowlad ama koox gaar wax ka bedeli karta aysan jirin, waxaa nasiib daro in dad gaar ah si qaldan u fahmeen nidaamka federaalka wuxuu si cad u qeexayaa awoodaha dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, dowlad goboleedyada ma siineyso madax banaani gaar ah, waxaa idin xusuusinayaa ilaalinta Qaranimada Madax banaanidiisa ay saaran tahay dowladda Federaalka”ayuu yiri Madaxweyne Farmaajo.

Madaxweynaha ayaa ka codsaday Xildhibaanada Baarlamaanka inay si degdeg ah u ansixiyaan sharciyada hor-yaala Baarlamaanka, isla markaana dalka lagu dhisi karo sharci, laguna dhaqi karo sida uu yiri.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here