Madaxweynaha Puntland  Deni Oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo

0
420

Madaxweynaha Puntland  Deni Oo Ku Wajahan Magaalada Kismaayo

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta ku wajahan Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Safarka Madaxweyne Deni ee Kismaayo ayaa waxaa ku wehlinaya xubno ka tirsan Golihiisa Wasiirada,waxaana la filayaa in saacadaha soo socoda halkaas ay gaaran.

Ujeedka Madaxweynaha Puntland Saciid Den ee Kismaayo ayaa waxaa uu yahay ka qeyb galka Xaflada Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axmed Madoobe.

Sidoo kale Saciid Deni ayaa xalay iska diiday dalab uga yimid dowladda Federaalka Soomaaliya oo ahaa inuu ka baaqdo Xaflada Caleemo-saarka Axmed Madoobe oo dhawaan lagu wado inay ka dhacdo Magaalada Kismaayo.

Ilo ku dhow Madaxweynaha Puntland aya xaqiijiyay in Maanta uu u safrayo Magaalada Kismaayo ee Caasimadda KMG u ah maamulka Jubbaland.

Maanta oo Arbaco ah ayuu qorshahu ahaa in Kismaayo uu ka dhaco Caleemo-saarka Madaxweynaha Jubbaland,hayeeshee waxaa la shaaciyay in Xaflada ay dhici doonto Markii ay soo dhameystirmaan wafuuda ka qeyb galeysa Caleema saarka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here