Ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka u tababaran oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

0
26

Ciidamo ka tirsan Booliska sida gaarka u tababaran oo qarax lagula eegtay duleedka Muqdisho

Faah faahin ayaa ka soo baxaya qarax miino oo xalay fiidkii lagula eegtay duleedka Muqdisho Ciidamada Booliska gaarka u tababaran ee loo yaqaano Haramcad.

Qaraxan ayaa Ciidamada lagula eegtay agagaarka Siinka Dheere, waxaana ka dhashay dhimasho iyo dhaawac soo gaaray Ciidamada.

Ugu yaraan afar askari ayaa ku geeriyootay, halka 3 kalena ay ku dhaawacmeen qaraxan miino lala eegtay Ciidamada Booliska sida gaarka u tababaran.

Ciidamada Booliska gaarka u tababaran ayaa maalmihii la soo dhaafay howlgal miino baaris ka waday wadada isku xirta Muqdisho iyo Afgooye, halkaasoo qaraxyo miino ay uga dhaceen.

Todobaadkii hore ayay aheyd markii qarax miino lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidanka Danab iyo askar la socotay oo qarax miino lagula eegtay inta u dhaxeysa Muqdisho iyo Afgooye.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here