Ilhan Omar Oo Dacwad Furiin Ah Ka Gudbisay Seygeeda Axmed Xirsi

0
491

Ilhan Omar Oo Dacwad Furiin Ah Ka Gudbisay Seygeeda Axmed Xirsi

Ilhan Omar oo ah Gabar Asalkeedu Somalia yahay oo ka tirsan Aqalka Looga arrimiyo dalka Mareykanka ee[ Congress-ka] ayaa dacwad furiin oo ka dhan ah Seygeeda Axmed Xirsi u gudbisay Maxkamad ku taala gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka.

Doodda ku saabsan dacwada furiinka soo bilaabatay bishii Augusto ayeey ku sababeeysay Wada-noolashahoodii Qoyska oo adkaaday, taasoo keentay in ugu danbeyntii ay furiinkan dalabato

“Xiriirkeena guur waxa uu u burburay si aan ka soo kabasho la hayn,” sidaasi waxaa lagu sheegay dacwadda ay maxkamadda Minnesota u gudbisay Ilhan.

Warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in Ilhaan Omar xiriir uu kala dhaxeeyo Nin lagu magacaabo Timothy Mynett Ololaheedii doorasho ee ka mid noqoshada Congress-ka Mareykanka.

Ilhaan 37 ah iyo Ninka ay kala tagayaan Axmed Xirsi ayaa isku dhalay Saddex Carruur ah, iyaga oo is guursaday sanadkii 2002da, hasse ahaatee waxaa la sheegay in ay mar ay kala taggeen guurkoodii hore kaddib, balse dib isugu soo laabteen sanadkii 2018ka.

Warkan ku saabsan khilaafka lamaanahan oo bilihii ugu danbeeyayba siweyn loo hadal hayay ayaa u muuqda mid hadda soo dhamaaday kaddib markii ay Ilhan Omar ugu danbeyntii dalbatay kala tagga Ninkeeda Axmed Xirsi.

Ilhan ayaa noqotay gabadhii ugu horreysay ee Muslim Xijaab xiran ee loo doorto Congress-ka Maraykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here