Madaxwaynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni Oo Magacaabay Taliyayaal Ciidan

0
522

Madaxwaynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdilaahi Deni Oo Magacaabay Taliyayaal Ciidan

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa waxaa taliyeyaal loogu Magacaabey qeybta Booliska ee Gobolada Nugaal iyo Sanaag ee Maamulka Puntland.

Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-79 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka Maamulka Puntland

Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

Waxaa G/Dhexe Muumin Cabdi Shire loo magacaabay
Taliyaha Qaybta Booliska Gobolka Nugaal.

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

Dhinaca kale Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa Xeer Madaxweyne Lr-78 Oktoobar 05, 2019 ku magacaabay Taliya Qaybta Booliska gobolka Sanaag.

Madaxweynaha Puntland

Markuu arkay:- Dastuurka Maamulka Puntland

Markuu arkay: Kartidiisa, Aqoontiisa iyo Hawl-karnimadiisa Ciidanimo

Wuxuu Xeeriyey

Waxaa G/Dhexe Bashiir Cali Maxamed loo magacaabay
Taliyaha Qaybta Booliska gobolka Sanaag

Xeerkani wuxuu dhaqangelayaa markuu Madaxweynuhu saxiixo, wuuna saxiixay Madaxweynuhu.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here