Jubaland maxay ka tiri dalabka ah in doorasho kale la qabto?

0
436

Jubaland maxay ka tiri dalabka ah in doorasho kale la qabto?

Maamulka dowlad goboleedka Jubaland ayaa ka soo horjeestay habraacii doorashooyinki barlamaanka ee Jubaland ee ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee dowladda federaalka.
Wasiirka warfaafinta ee Jubaland, Cabdi Xusseen Sheekh Maxamed, oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay warqadaas ay tahay mid hareer marsan sharciga.
“Waxaan u aragnaa inay tahay mid sharciga iyo dastuurka dalka u yaala hareer marsan warqadan ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka”, ayuu yiri Cabdi Xusseen.
Wasiirka ayaa dowladda federaalka ku eedeeyay in maalin walba ay ka lalmato mamaul goboleedyada, waxaana uu intaa raaciyay in dhawaan ay qabanayaan caleema saarka Madaxweynaha Jubaland, Axmed Madoobe.
Jubaland
Waxaan u aragnaa inay tahay mid sharciga iyo dastuurka dalka u yaalla hareer marsan warqaddan ay soo saartay wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka.
Cabdi Xusseen,
Wasiirka warfaafinta Jubaland
Wasaaradda arrimaha gudaha ee federaalka ayaa sheegtay in khilaaf siyaasadeed oo la xiriirey saxitaanka liiska odayaasha dhaqanka ee rasmiga ah, xulistii Baarlamaanka 2aad iyo doorashadii Madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo ololayntoodu soo socotay ilaa iyo lix bilood ay guuldareysatay.
Dowladda ayaa inta raacisay in wixii dhacay 22-kii Agoosto 2019 ay ahaayeen “fashil ka dhashay “afduub iyo musuqmaasuq cad” oo ay sheegtay in lagu sameeyey hannaankii iyo habraacii doorashada ee dastuurku qeexayey, iyadoo intaa raacisay in maamulka Jubaland uu abuuray guddi, xeerar iyo habraac dhamaantood ay sheegtay in ay baal marsan dastuurka Federaalka iyo midka Jubbaland.
HABRAACA CUSUB
Wasaaradda ayaa sidoo kale sheegtay in loo baahan yahay in la magacaabo guddi farsamo “oo loo dhan yahay kana shaqeeyn doonaa soo xulidda xildhibaannada iyo xalinta khilaafaadka iyo cabashooyinka ka dhasha doorashada”
Guddiga ayaa la sheegay inuu ansixin doono liisaska xildhibaannada ee odayaasha dhaqanka beeluhu soo gudbiyeen, ka hor inta aan la dhaarining xildhibanaada cusub si ay madaxweyne u soo doortaan.
Lahaanshaha sawirkaJUBALAND
Image caption
.
Inkastoo dowladda federaalka ay soo saartay habraacyada soo xulista xildhibaanada barlamaanka iyo doorahsada Madaxawyenaha ayaa hadana waxaan la ogeyn halka doorashooyinkaas lagu qaban doonaa, maadaama Magaalada Kismayo ay gacanta ku heyso Jubaland oo dowladda federaalka aysan wax saameyn ah ku laheyn, waxaana sidoo kale muuqata in uu sii fogaaday khilaafka u dhaxeeya labada dhinac, kadib markii Jubaland ay jebisay amarkii ahaa in dhamaan duulimaadyada tagaya Magaalada Kismayo ay soo maraan Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here