Sacuudiga oo meesha ka saaray xeerar adag oo u degsanaa si uu usoo jiito Dalxiisayaasha

0
396

Sacuudiga oo meesha ka saaray xeerar adag oo u degsanaa si uu usoo jiito Dalxiisayaasha

Boqortooyada Sacuudiga ayaa meesha ka saareysa xeerar adag oo dalkaasi horey ugu degsanaa si ay loo dhiiro galiyo dalxiiska dalkaasi oo dowlada dooneyso in ay ka sameyso dhaqaale aad u badan.

Lamaanayaasha ajaaniibta ah ee aan is qabin ayaa loo ogolaaday in ay degi karaan hoteelada kuyaala Sacuudiga, waxaana meesha laga saaray xeer horey dadka degaya hoteelada ku qasbayay in ay la yimaadaan warqad guur iyo cadeymo kale.

“Dhammaan muwaadiniinta Sucuudiga u dhashay waxaa laga codsanayaa inay la yimaadaan aqoonsiga qoyska ama guurka marka ay Huteelada kireysanayaan, waxbo loogama baahno muwaadiniinta shisheeye ee dalxiisayaasha ah” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Wasaarada dalxiiska Sacuudiga.

Boqortooyada Sacuudiga ayaa sidoo kale ogolaatay in haweenka ajaaniibta ah ay kireesan karaan hoteelada kuyaala Sacuudiga iyaga oon wadan muxram, halka markii hore haweenka loo ogoleyn in kaligood hoteel kireestaan.

Haweenka Ajaaniibta ah ee dalxiiska u taga Sacuudiga ayaa sidoo kale lagu qasbeyn in ay xirtaan cabaayadaha madow ee jidka qariya, waxaana kaliya laga rabaa in ay xirtaan dhar aysan anshax xumo badan ka muuqan.

Dalxiisayaasha aan Muslimka aheyn looma ogolaan doono in ay tagaan magaalooyinka Barakeesan ee Makka iyo Madiina, waxaa sidoo kale Sacuudiga wali mamnuuc ka ah isticmaalka khamriga.

Sacuudiga ayaa fududeynta xeerar adag oo dalkaasi horey uga jiray uga gon leh in lagu kordhiyo dalxiiska dalkaasi si dowlada ay dhaqaalo badan uga hesho halka hada dowlada ku tiirsan tahay kaliya wax soo saarka gaaska iyo saliida.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here