Calaamadaha Waaweyn Ee Beer Xanuunka Lagu Garto Iyo Qaabka La Isugu Gudbiyo Noocyadiisa

0
2089

Calaamadaha Waaweyn Ee Beer Xanuunka Lagu Garto Iyo Qaabka La Isugu Gudbiyo Noocyadiisa

Berlin (Dalmar-News)- Xanuun kastaa waxa uu leeyahay calaamado u gaar ah oo lagu garto jiritaankiisa, waxa se mar kasta laga digaa in ay jiraan calaamado ay xanuunno badani wadaagaan oo marka qofka lagu arko, haddii aan taxaddar cilmi ah iyo shaybaadh muhiim ah lagu kala saarin, waxa kale oo ay dhakhaatiirtu ka digaan in ay jiraan calaamado kala duwan laakiin aad isugu dhow oo ay xanuunnada kala duwan qaarkood leeyihiin, taas oo haddii aanu dhakhtar takhasus ahi si fiican u baadhin keeni karta in xanuunka qofka haya xanuun aan ahayn laga daweeyo.

Si kastaba ha ahaato ee waxaa jira calaamado waaweyn oo ay dhakhaatiirtu sheegaan in qofka isku arkaa uu markaba xasuusto in ay suurtagal tahay in xanuunkaasi hayo, sidaa awgeedna dhakhtar gaadho. Qormadan waxa aynu k ueegaynaa calaamado ay hay’adda dhakhaatiirta beerka ee dalka Jarmalku sheegtay in si gaar ah u muujiyaan in beer xanuun uu qofku qabo:

Midabka maqaarka qofka iyo indhaha oo joonis ama huruud noqda.
Kaadida oo midab madow ah yeelata.
Daal iyo burbur badan, oo xitaa iyada oo aan hawl la qaban la isku arko.
Ladaadyo / lalabo
Matag
Calool xanuun
Daladda dhakhaatiirta takhasuska beer xanuunka ee dalka Jarmalku waxa kale oo ay ku sheegeen warkan ay ku faahfaahinayeen cudurka beer xanuunka, qaabka ugu badan ee uu xanuunku ku faafo. Iyaga oo caddeeyey in Beer xanuunka (Jooniska) nooca ‘A’ iyo ‘E’ ay inta badan ku faafaan wasakhowga biyaha iyo cuntada, halka Noocyada beer xanuunka ee ‘B’ iyo ‘C’ ay iyaguna inta badan ku faafaan dheecaannada qofka qaba oo gaadha ama taabta qofka kale, tusaale ahaan wada isticmaalka irbadaha, ama xidhiidhka jinsiga ah.

Dhakhaatiirtu waxa ay sheegeen in beer xanuunka oo aan si fiican waqtiga ku habboon loo daweyn ama loo xakamayni ay keeni karto cawaaqib xumo aad u daran, oo ay ka mid tahay in beerkuba uu burburo ama kansarka beerka, sidaa awgeed ay waajib tahay in qofka isku arka calaamadaha beer xanuunka ama lagu sheegaa uu sida ugu dhaqsaha badan ula xidhiidho dhakhaatiirta takhasuska ah.

Waxa kale oo ay dhakhaatiirtu sheegeen in laga hortegi karo beer xanuunka (Jooniska) noocyada ‘A’, ‘B’ iyo ‘D’ iyada oo la adeegsanayo tallaalka loogu talagalay. Iyada oo weliba iska tallaalista nooca ‘B’ ay sida oo kale qofka ka ilaaliso beer xanuunka nooca ‘D’. laakiin nasiibdarro weli saynisyahannada adduunku dawo kama dambays ah iyo tallaal midna uma hayaan beer xanuunka noociisa ‘C’.

Xigasho: Geeska

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here