Maxkamadda sare ee Puntland oo dil ku xukuntay rag loo heystay kufsi iyo dilkii loo geystay Caa’isha

0
446

Maxkamadda sare ee Puntland oo dil ku xukuntay rag loo heystay kufsi iyo dilkii loo geystay Caa’isha

Maxkamadda sare ee Puntland ayaa dil ku xukuntay rag loo heystay Kiiskii kufsiga iyo dilka bishii Febraayo ee sanadkan Waqooyiga Gaalkacyo loogu geystay Caa’isha Ilyaas Aadan.

Saddex rag oo loo heystay kiiskan oo horay Maxkamadda Gobolka Nugaal ay dil ku xukuntay, balse ay racfaan qaateen ayay Maxkamadda sare ee Puntland ay iyadana ayiday dilkaas lagu xukumay.

Ragga loo heysto kufsigii iyo dilkii Caa’isho Ilyaas ayaa waxaa lagu kala Magacaabaa, Cabdifitaax Cabdiraxmaan Warsame iyo Cabdisalaan Cabdiraxmaan Warsame oo walaalo ah iyo Cabdishakuur Maxamed Digge.

Kiiskan ayaa ahaa kii ugu adkaa ee soo mara Maxkamadaha kala duwan ee Maamulka Puntland, iyadoo marxalado kala duwan uu soo maray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here