Wasiirka Maaliyada oo ka hadlay caqabadaha hortaagan daabicida lacagta shillin Soomaaliga

0
441

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya C/raxmaan Ducaale Bayle oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta wasaaradda maaliyadda ayaa ka hadlay halka ay mareyso daabicidda lacagta cusub ee Soomaaliya iyo cafinta deymaha lagu leeyahay dalka Soomaaliya.

Wasiirka ayaa sheegay in dowladda aysan dhaqaale ahaan isku filnayn islamarkaana ku tiirsan tahay kaalmada wadamada kale.

Waxaa uu sheegay in lacagta cusub qarshkii lagu soo daabici lahaa uu maqanyahay marka ay dowladaha u bandhigaanna wixii ay ka soo helaan ku dabaraan Mushaarka Ciidanka,hay’adaha dowladda iyo mushaarka shaqaalaha dowladda.

C/raxmaan Ducaale Beyle ayaa codsaday in aan lagu celcelin su’aasha ku saabsan daabacadda Lacagta cusub oo uu sheegay in ay u xayirantahay lacagtii lagu soo daabici lahaa, waxaana uu intaas raaciyay in ay danta ku kalliftay in uu waqti cayiman sheegi waayo.

Waxaa wasiirku sheegay in lacagtaas oo afartan Milyan oo doollar ah ay hadda kala bar ka hayaan inta kale ku dadaalayaan.

Sidoo kale Wasiirka maaliyada ayaa sheegay in ay muddo qaadanayso sidii looga cafin lahaa deymaha Soomaaliya ay u leeyihiin dalalka caalamka.

Bayle ayaa hore u  ballanqaaday in dhamaadka sanadka 2019 ay Soomaaliya heli doonto lacag cusub oo ay iyada leedahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here