Trump oo baajiyay safarkiisii Denmark “muranka gadashada jasiiradda Greanland” darteed

0
427

Trump oo baajiyay safarkiisii Denmark “muranka gadashada jasiiradda Greanland” darteed

Madaxweynaha Maraykanka Donald Trump ayaa baajiyay booqasho rasmi ah oo uu ku tagi lahaa Denmark, ka dib markii ra’iisulwasaaraha dalkaas ay tiri Greenland lagama iibinayo Maraykanka.
Madaxweynaha ayaa qorshaynayay in uu booqdo Denmark 2 bisha Sabteembar ka dib markii uu marti qaad ka helay Boqorad Margrethe II.
Intaas ka dibna madaxweyne Trump ayaa tilmaamay in Maraykanku uu xiisaynayo in uu gato Greenland oo ah dhul ismaamul ah oo Denmark ay leedahay.
Ra’iisulwasaaraha Denmark Mette Frederiksen ayaa taladaas ku tilmaanmay mid “aan caqliga gali karin” waxayna intaas ku dartay in ay rajaynayso in madaxweyne Trump aysan ka go’nayn hadalka ka soo yeeray.
Borofesoor ardaygiisa fasalka ilmo ugu dhex hayey oo aad loo amaanay
Trump oo dalka ka hor istaagay gabadh Dawladda Islaamka ku biirtay
Askari Maraykan ah “oo qorsheeyay weerar argagixiso”
Isaga oo shaacinaya baajinta booqashadiisa ayuu Trump Twitterka ku soo qoray: “Denmark waa dal cajiib ah, dadkiisu wanaagsan yihiin, balse hadalka ka soo yeeray Mette Frederiksen ee ah in aysan wax xiiso ah u qaban in ay kala hadasho iibinta Greenland, ay ku dhalisay in uu baajiyo kulankii ay yeelan lahaayeen labo toddobaad ka dib, uuna dib ugu dhacay wakhti kale…”
Afhayeen u hadlay Aqalka Cad ee looga arrimiyo Maraykanka ayaa xaqiijiyay in la baajiyay booqashadii madaxweynaha.
Xuquuqda Sawirka @realDonaldTrump@REALDONALDTRUMP
Madaxweynaha ayaa mar hore xaqiijiyay warar sheegaya in uu xiisaynayo iibsashada Greenland. Markii Axaddii la waydiiyay in uu ka baaraan dagayo in uu Maraykanka u iibiyo jasiiraddaas, wuxuu ku jawaabay “Haggaag, waxyaabo badan ayaa laga yaabaa in ay qabsoomaan.”
Tilmaantii madaxweynaha waxaa meesha ka saaray masuuliyiinta Greenland iyo Denmark.
“Greenland ma aha iib, balse Greenland waxay soo dhawaynaysaa ganacsi iyo iskaasho ay la samayso dalalka kale oo uu ka mid yahay Maraykanka,” ayuu yiri ra’iisulwasaaraha deegaankaas Kim Kielsen.
Lars Lokke Rasmussen oo horay ra’iisulwasaare uga soo noqday Denmark ayaa Twitterka ku soo qoray hadal macnihiisu u dhaw yahay waa kaftan loogu talagalay maalinta beenta.
Greenland xaggay ku taallaa?
Greenland waa jasiiradda ugu wayn dunida (marka laga soo tago Australia, oo lagu tilmaamo qaarad kaligeed taagan). Jasiiraddan oo ah maamul goboleed ka tirsan dalka Denmark ayaa ku taalla inta u dhaxeysa Waqooyiga badweynta Atlantic iyo Arctic.

In kabadan 80% jasiiradda waxaa ku dahaaran baraf, waxaana laga cabsi qabaa in uu milmayo kulayka dunida ka jira awgii.
Barafka dhalaalaya ayaa sare u qaaday macdantii ay dadku kala soo baxayeen jasiiradda.
Balse waxaa dhanka kalana la rumaysan yahay in barafka dhalaalaya uu bannaanka soo dhigo haraa nukliyeer oo dhawr goobood uu kaga tagay milatariga Maraykanku markii uu socday dagaalkii qaboobaa.
Maxay jasiiraddani u soo jiidatay Trump?
Trump ayaa la sheegay in uu xiisaynayo Greenland, arrimaha uu u rabana ay qayb ka tahay in ay qani ku tahay macdan badan oo dabiici ah oo kala noocnooc ah.
Inkastoo laga yaabo in Greenland ay hodan tahay, haddana Denmark ayay ku tiirsan tahay marka ay timaado miisaniyada waxayna ka heshaa saddex meeloodow labo ka mid ah miisaaniyad sannadeed keeda. Waxaa ku badan is dilidda, kharmi cabka iyo shaqo la’aanta. Waxaa ku nool dad lagu qiyaaso 56,000 oo ku teedsan xeebaha, 90% dadka ku nool waa dadkii asal ahaan u daganaan jiray, waxay haystaan ismaamulid xaddidan waxayna leeyihiin baarlamaan u gooni ah.
Lahaanshaha sawirkaAFP
Image caption
Madaxweyne Trump ayaa xaqiijiyay wararka sheegaya in uu rabo in uu gato Greenland
Labo ruux oo lagu wargaliyay falanqayn arrintan ku saabsan ayaa wargeyska New York Times u sheegay in madaxweynuhu uu Greenland u xiisaynayo “qiimaha ay ammaanka qaranka u yeelan karto” meesha ay ku taallo awgeed.
Maraykanka ayaa wakhti dheer jasiiraddan u arkayay meel istaraatiijiyad ahaan muhiim ah, xarun ay ciidammada cirku leeyihiin oo raadaarrana yaalaan ayay ka aasaaseen halkaas markii uu billawday Dagaalkii Qaboobaa.
Xildhibaan Mike Gallagher oo ka

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here