Janaraal Cabdelfataax Burhaan oo loo dhaariyay xilka hogaaminta dowladda cusub ee Suudaan

0
455

Janaraal Cabdelfataax Burhaan oo loo dhaariyay xilka hogaaminta dowladda cusub ee Suudaan

Hogaamiyaha militariga Suudaan, Janaraal Cabdelfataax Burhaan ayaa maanta loo dhaariyay madaxa dowladda kumeel gaarka ah ee Suudaan.

Waxaa uu hogaamin doonaa golaha maamulka sare oo ka kooban lix qof oo rayid ah oo ka socda dhinaca mucaaradka iyo afar sarkaal oo militari ah saddexda sanno ee socota.

Sidoo kale xubanaha kale ee ka tirsan dowladda kumeel gaarka ah ayaa maanta xilka loo dhaariyay kaddib munaasabad lagu qabtay aqalka madaxtoyada ee Suudaan.

Dhaarinta hoggaamiyeyaashan ayaa imaaneysaa xilli dhawaan mucaaradka iyo militariga ay wada gaareen heshiis lagu dhisayo dowlad kumeel gaar ah.

Waxaana sidoo kale lagu wadaa in lasoo dhiso golaha wasiirada oo uu hogaamin doono ra’iisul wasaare cusub.

Dowladdan cusub ayaa imaaneysa in ka badan afar bilood kaddib markii xukunka laga tuuray madaxweynihii Suudaan, Cumar Al Bashiir oo dalkaas ka talinayay ku dhawaad 30 sanno.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here