Markab ay Iiraan leedahay oo laga shakisnaa oo la sii daayay

0
430

Markab ay Iiraan leedahay oo laga shakisnaa oo la sii daayay

Markab ay leedahay Iiraan oo lagu hayay Gibraltar tan iyo bishii Luulyo isaga oo looga shakisnaa in uu Suuriya u waday shidaal ayaa ka baxay dakadda.
Qalab ay ciidammada baddu isticmaalaan ayaa muujinaya in markabkaasi uu u sii socda dhanka badda Mediterranean-ka, isla markaasna uu diiwaankiisu tusayo in uu ku sii jeedo Kalamata oo Giriigga ka tirsan,
Gibraltar ayaa mar sii horraysay diiday codsi uga yimid Maraykanka oo ahaa in ay mar kale qabtaan markabkaas, kaas badalay magaciisii hore ee ahaa Grace 1, lana baxay Adrian Darya-1.
Maraykanka ayaa codsigan soo gudbiyay mar dambe oo Jimcihii ah, maalin uun ka dib markii laga noqday amarkii hore ee lagu qabtay.
Gibraltar ayaa sheegtay in aysan u hoggaansami karin amarka Washington ee ku aadan in la qabto markabkaas, sababtuna ay tahay in xayiraadda Maraykanku saaray Iiraan aysan khusayn Midawga Yurub.
‘Iiraan jirdil ayey ii geysatay si aan u qirto inaan ahay basaas Israa’iil’
“18 kun oo doollar ayaa iiga baxday go’aan aan naftayda khatar ku geliyey”
Vienna: Kulan uu Mareykanka ka maqanyahay oo lagu lafa gurayo nuclear-ka Iran
Tehran waxay sheegtay in ay diyaar u tahay in ay dirto ciidamadeeda badda si ay u ilaaliyaan Adrian Darya-1.
Waa maxay xogta hore ee markabkan laga hayo?
Markabkan oo ay saaran yihiin 29 shaqaale oo u kala dhashay Hindiya, Ruushka, Latvia iyo Philippines ayaa la qabtay iyadoo ay arrintaas gacan ka gaysteen ciidammada badda ee Britain 4 bishii Luulyo, ka dib markii maamulka Gibraltar oo ah dhul ay Britain maamusho uu tilmaamay in uu u socdo Suuriya, arrintasna ay meel ka dhac ku tahay xayiraaddii Midawga Yurub.
Lahaanshaha sawirkaEPA
Arrintan ayaa muran dublamaasiyadeed ka dhex dhalisay UK iyo Iiran, arrintaas ayaana sii xoogaysatay toddobaadyadii dhawaa, waxayna horseedday in Iiraan ay xirto markab shidaalka qaada oo uu ka bibanayo calanka Britain balse laga leeyahay Sweden kaas oo marayay gacanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here