Laba Shabaab ah oo maanta lagu toogtay Fahaaraha School Polizio

0
651

Laba Shabaab ah oo maanta lagu toogtay Fahaaraha School Polizio

Maxkamada Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay oo Isniin ah waxaa ay xukun dil toogasho ah ku fulisay laba dhalinyaro ahaa oo lagu eedeyay inay ka tirsanayeen Al-Shabaab.

Labada Nin ee xukunka dilka ah lagu fuliyay ayaa waxaa lagu kala Magacaabi jiray Canshuur Cismaan Abuukar Cumar (Asad) 23jir ah iyo Max’ed Cali Boorow Aadan (C/xakiin) oo 25 jir ah, Kuwaas oo ku eedeysnaa inay ka tirsanaayeen Al-Shabaab,isla markaana ay ka qeyb qaateen weeraro iyo qaraxyo laga fuliyay Magalada Muqdisho.

Xukunka dilka ah ayaa wuxuu ka dhacay fagaaraha Iskuul Buluuziya oo ku yaallo tiirka toogashada ee lagu dilo xubnaha Shabaab ka tirsan & Askarta dowladda ee dilalka gaysta.

Raggaan saaka maxkamadda ay toogatay ayaa lagu eedeeyay inay gaysteen weerar lagu dilay 27/09/2017 Xoghayihii Ururka Haweenka Qaranka Marxuumad Canab C/laahi Xaashi iyo Wiil ay dhashay Guddoomiyaha Ururka Haweenka Qaranka Batuulo Sheekh Axmed Gabale, kaas oo ka dhacay isgoyska Via Roma ee Degmada X/wayne.

Waxyaabaha kale ee raggaan lagu eedeeyay inay gaysteen ayaa waxaa ka mid ah Rasaas lagu furay Gaari ay la socdeen Qoyska reer Xasan Cabdi Cawad oo ka mid ah Maamulka Shirkada Dahabshiil iyo Weerarkii qaraxyada ku bilaawday ee lagu qaaday 09/11/2018 Hotelka Saxafi iyo qaraxii ka dhacay 22/12/2018 Tiyaatarka Qaranka ee Magaalada Muqdisho, sida ay horay u sheegtay xeer ilaalinta Maxkamada Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here