Booliska Hindiya oo baaraya kufsi lagu eedeeyay siyaasi ka tirsan xisbiga haya Talada

0
424

Booliska Hindiya oo baaraya kufsi lagu eedeeyay siyaasi ka tirsan xisbiga haya Talada

Gabar 19 jir ah oo uu kufsaday siyaasi ka tirsan xisbiga haya talada hindiya ee Bharatiya Janata ayaa dhaawac daran soo gaaray xilli ay ku sii jeeday Maxkamada.

Rajeev Krishna oo ka tirsan saraakiisha Booliska Hindiya ayaa sheegay in gabadhan iyo qareenkeeda la dhigay Isbitaalka lana Dabiibayo.

Shilkan oo dhacay axadii shalay ayaa waxaa ku dhintay gabadha Abtigeed iyo habar yarteed oo saarnaa Gaariga.

Gabadha kufsiga loo geestay ayaa habar yarteed waxay goob joog u aheyd markii la Kufsanayay, sida uu sheegay mr Krishna.

Booliska ayaa dhanka kale xiray darawalka waday gaariga yar iyo gaariga looriga ah ee dadka Laayay.

Saraakiisha amniga gobolka dhaca waqooyiga Hindiya ee Uttar Pradesh ayaa guda galay baaritaano la xiriira in shilkaan iyo kufsiga gabadha loo geestay uu xiriir ka Dhaxeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here