Banaanbax Rabshado Watay Oo Ka Dhacay Magaalada Caynaba+SAWIRO

0
672

Banaanbax Rabshado Watay Oo Ka Dhacay Magaalada Caynaba+SAWIRO

Wararka ka Imaanaya Magaalada Caynaba ee maamulka Somaliland ayaa waxaa ay sheegayaan in saakay halkaasi uu ka dhacay Banaanbax Rabshado watay.

Dadweyne farabadan oo isugu jiray Odayaal,Dhalinyaro,Caruur iyo Haweeney ayaa isugu baxaya Wadooyinka waaweyn ee Caynaba,isla markaana waxaa ay ahaayeen kuwa aad u careysnaa,iyagoona Wada ku gubayay Taayaro waaweyn.

Banaanbaxa Maanta ka dhacay Magaalada Caynaba ayaa waxaa looga horjeeday Xeer maalintii shalay aheyd ay ansixiyeen Golaha Wakiillada Somaliland,kaasi oo degmooyinka ka tirsan Somaliland Darajooyin lagu siiyey.

Sidoo kale Banaanbaxayaasha ayaa Xukuumadda Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ku eedeeyay inay shacabka Caynaba Gaabiyeen balan qaaadyo ay u sameeyeen shacabka inay u qaban doonaan,hayeeshee arrintaas ay ka waayeen.

Sikastaba Golaha Wakiillada maamulka Somaliland ayaa malintii shalay aheyd ansixiyay Sharci ah in Degmada Caynaba la siiyo Darajada B,waxaana amarka lagu ansixiyay sharcigaas bixiyay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here