War Deg Deg : Salman Khan Oo Halis Ku Jira In Xabsiga Loo Taxaabo Ka Dib Markii Maxkamada Jaipur Ay Diiday Racfaankiisa

0
1065

War Deg Deg : Salman Khan Oo Halis Ku Jira In Xabsiga Loo Taxaabo Ka Dib Markii Maxkamada Jaipur Ay Diiday Racfaankiisa

Kiiskan ugaarta deerta ah waa mid soo jireen ah oo aan wali dhamaad laheen waxuuna socdaa mudo 20 sano isagoo soo bilawday sanadkii 1998 xili la duubayey filmka Hum Saathi Saathi Hain.

Waxaa la isku heystaa in Salman Khan toogasho ku dilay ugaarta nooca deerta loo yaqaan ee dunida kasii dhamaaneysa waqtigaan dadka hinduda qaarna ay caabuudaan ugaartaas diin ahaan ugu xiranyihiin.

Hadaba garsoorayaasha maxakamada magaalada Jodhpur ayaa waxa ay digniinu dirayn aktarka Bollywood-Ka Salman Khan kaaso ku fashilmay inuu imaado maxakamada ka dib markii uu racfaan ka qaatay go’aanka maxkamada ee lagu xukumay 5 sano taariikhda marka ay ahayd 5 April sanadkii 2017 isagoo bixiyay Rs 50,000

sida ay soo warinayso majalada Asian News International (ANI) maxkamada Jodhpur ayaa gabi ahaanba kansashay ama bur-burisay racfaanka aktarka waxaana midaas keentay maqnaanshaha aktarkam kaaso imaam waayay waqtiga maxkamada u qabatay inuu isku difaaco ama loo dhagaysto kiiskiisa ugaarta

iyadoo Maxkamadda Sare ee Jodhpur ay hore u fasaxday  jilayaasha Bollywood ee kala ah Saif Ali Khan, Sonali Bendre, Neelam Kothari, Tabu iyo Dushyant Singh ka dib markii lagu waayay wax dambi ah ee la xariira kiiskii ugaarta sanadkii 1998 kii

waxaana hore Salman Khan 5-sano xarig ah ayaa hore lagu xukumay 5 April sanadkii 2017  kadib markii maxkamada Jodhpur ay ku cadeesay inuu toogtay labo ugaarta deerta ee dunida kasii dabar go’eyso toogasho ku dilay sanadii 1998.

Salman Khan labo habeen ayuu xabsi ku howday ka hor inta aan damaanad lagu sii daayay haatana isaga iyo qareenkiisa waxay laga diiday ama laga bur-buriyay rafcaankoodii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here