Shilalka diyaaradeed waxay ka dhaceen Induniisiya iyo Itoobiya

0
555

Shilalka diyaaradeed waxay ka dhaceen Induniisiya iyo Itoobiya

Shirkadda Boeing ayaa shaaca ka qaadday qoysaska dadki ku dhintay diyaaradihi Boeing 737 ee ku burburya Induniisya iyo Itoobiya ay mag dhaw u siineyso 100 milyan oo doolar.

Shirkadda Boeing waxay sheegtay iney ugu tala gashay 346 qof ee ku geeriyooday labadi diyaaradood ee ku burburay Itoobiya iyo Induniisya.

Lacagtaasina qoysaska magdhaw ahaan shirkadda Boeing ay u siineyso waxay sheegtay iney ku imanin dacwaddi ay shirkadda ku oogeen qoysaski ay dadkooda shilalkaasi ku dhinteen balse ay shirkaddu iskeed u go’aansatay.

Boeing oo maanta warmurtiyeed lacagta magdhawga ay kaga hadleys soo saartay ayaa sheegtay in lacagtaasi ay shirkaddu ugu talagashay qoysaska ay masiibadu saameysay iney noolashooda ku kabaan.

Waxayna shirkadda Boeing meel marinta lacagahaasi ay sheegtay iney kala shaqeyn doonto hay’adaha dowliga ah iyo kuwa aan dowliga ahayn.

Maareeyaha guud ee shirkadda Boeing, Dennis Muilenburg wuxuu sheegay iney shirkaddu aad uga xun tahay dadki ku naf waayey labadaasi shil, dadki shilkaasi ku dhintay oo aan sanadaha soo socdana qoysaskooda illaawi doonin.

Qoysaski ay dadkooda ku dhinteen shirkadaha Indonesia airlines iyo Ethiopian Airlines oo dacwad ku oogay shirkadda Boeing weli dacwaddooda go’aan lagama gaarin.

Baaritaanka Shilki ugu dambeeyey

Baaritaanka shilkii diyaaradeed ee ku dhacay diyaarad ay lahayd shirkadda diyaaradaha Itoobiya oo weli socda, haddana waxaa soo baxaya warar sheegaya iney aqoonta duuliyeyaasha oo yared ay sababtay shilki diyaaradeed.

Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa baahiyey warar sheegaya duuliyihi waday diyaaraddi Itoobiya ee burburtay inuusan qaadanin tababar dheeraad ah oo la rabay inuu qaato si uu ula qabsado duulinta diyaaradda Boeing 737 Max 8.

Wararka ay baahinayaan warbaahinta caalamka qaarkood waxay shirkadda diyaaradaha Itoobiya ay ku abuurtay cadho iyada oo sheegtay inuu warkaasi been abuur yahay oo waxba ka jirin.

Warbaahinta baahisay warkanna waxay sheegeen “iney xogta ka heleen ilo aad ugu dhow shirkadda diyaaradaha Itoobiya balse ay magacooda shaacin”.

“waxayna sheegeen duuliyaha diyaaradda waday iney u harsaneyd tababarka duulimaadka koombiyuutarka (simulator) lagu qaato si diyaarad cusub markay timaaddo uu duuliyaha ula sii qabsado uusan qaadan.

Duuliyahana waxaa uu u ballansanaa ayay yidhahdeen inuu bishan dhammaadkeeda uu tababarka qaato balse uu tababarka ka horba shilka diyaaradda uu ku geeriyooday “.

Shirkadda diyaaradaha Itoobiyana waxay sheegtay “warkaasi inuu yahay mid been ah oo looga tala galaay in eedda ay lahayd shirkadda Boeing dusha laga saaro shirkadda diyaaradaha Itoobiya”.

Wargeyska New york Times oo warbixintan si weyn wax uga qoray kuna baahiyey baraha bulshada waxaa warbixinteeda ka hor yimid kumannaan qof. Iyaga oo sheegay cilladda ay diyaaradda lahayd in lagu wareejiyo duuliyaha inuu aqoon buuxda lahayn.

Tewelde Tekle-mariamLahaanshaha sawirkaETHIOPIAN AIRLINES
Image captionMaareeyaha guud ee shirlkadda diyaaradah Itoobiya oo ku sugan goobta ay diyaaradda ku burburtay

“Duuliyeyaasha shirkadaha waaweyn ee Mareykanka markay duuliya ka noqonayaan diyaaradda Boeing 737 Max 8 waxay tababar hal saac ay ku qaataan Ipad, marka iney caddahay iney ujeddadu tahay khaladka Boeing in dusha laga saaro shirkadda diyaaradaha Itoobiya” ayey tiri shirkadda diyaaradaha Itoobiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here