Wasaarada amniga Afghanistan oo ka hadashay qasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay magaalada Kabul

0
516
Afghan security forces arrive at the site of an explosion in Kabul, Afghanistan, Monday, July 1, 2019. A powerful bomb blast rocked the Afghan capital early Monday, rattling windows, sending smoke billowing from Kabul's downtown area, officials and a medic said.(AP Photo/Rahmat Gul)

Wasaarada amniga Afghanistan oo ka hadashay qasaaraha ka dhashay qarax ka dhacay magaalada Kabul

Dowlada Afghanistaan ayaa aad u canbaareysay qarax xoogan oo saaka ka dhacay magaalada caasimada ah ee Kabul oo ay ku dhinteen ku dhowaad 16 ruux.

Qaraxa oo dhacay aroornimadii hore ee saaka ayaa ku soo beegmay xilli mashquul ah oo ardada iyo dadweynaha ay u socdeen goobaha shaqada iyo Waxbarashada.

Madaxda caafimaadka ee magaalada Kabul ayaa sheegay in 105 qof oo 51 ka mid ah ay ahaayeen caruur yar yar ay ku Dhaawacmeen.

Maxamed Kariim oo ka mid ah saraakiisha Booliska ayaa sheegay in gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa uu ku qarxay afaafka hore ee wasaarada Gaashaandhiga.

Sadex ka mid ah dagaal-yahanada ayaa galay dhisme ku dhow wasaarada gaashaandhiga waxaana iska hor imaad xoogan uu dhexmaray ciidanka amniga kaasi oo socday todoba saac oo Xiriir ah.

Afhayeenka wasaarada amniga Nasrat Rahimi, ayaa sheegay in la soo badbaadiyay 210 qof oo ku sugnaa dhismaha waxaana uu intaa raaciyay in ciidanka ay toogteen shan Dagaal-yahan.

Madaxweyne Ashraf Ghani ayaa canbaareyay weerarkaan waxaana uu ku tilmaamay mid Bahalnimo.

Si kastaba ha ahaatee weerarkaan ayaa ku soo aadaya iyadoo magaalada dooxa ay ka socdaan wadahal u dhaxeeya dowlada Mareykanka iyo ururka Taalibaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here