Ninkii naqshadeeyay taleefoonka iPhone oo ka tagaya shirkadda Apple

0
483

Ninkii naqshadeeyay taleefoonka iPhone oo ka tagaya shirkadda Apple

Jony Ive oo ah ninka telefoonada ay soo saarto shirkadda Apple u naqshadeeyn jiray ayaa shaaca ka qaaday inuu shaqada ka tegayo si uu sameysto shirkad gaar ah.

Waxaa uu gaarsiiyay shirkadda heer ay noqoto midda ugu dhaqaalaha wanaagsan caalamka.

Ninkan ayaa waxaa uu naqashadeyn jiray teleefoonada kala ah Mac, iPod iyo iPhone, waxaa uu ka dhawaajiyay in dabayaaqada sannadka uu shaqada isaga tegayo si uu sameeyo shirkad isaga u gaar ah oo arrimaha teknoolojiyadda qaabilsan laguna magacaabo ‘LoveFrom.

“Waa taallaabo iska caadi ah waana wakhtigii ugu haboonaa ee aan sameyn lahaa isbaddal” ayuu yiri naqshadeeyahan u dhashay dalka Ingiriiska.

Madaxa shirkadda Apple, Tim Cook waxaa uu sheegay in Jony Ive uu horumaro gaarsiiyay shirkadda isla markaasna aanan lasoo koobi karin heerka uu gaarsiiyay Apple.

Tegitaankiisa ayaa imaanaya xilli uu isbaddal ku yimid maamulka shirkadda, madaxii arrimaha ganacsiga ee Apple,Angela Ahrendts ayaa bishii April shaqada ka tegtay, maalgashatada waxay walaac ka muujinayaan hoos u dhac ku yimid iibgeynta teleefoonada Apple.

ilaa hadda lama ogo cidda baddali doonto Jony Ive oo ah ninka ay ku tiirsantahay shirkadda teleefoonada Apple.

.Lahaanshaha sawirkaAPPLE

“Ku dhawaad 30 sanno oo aan sameynay mashruucyo aanan lasoo koobi karin, waxaan ku faraxsanahay shaqooyinkii ugu dambeeyay ee aan ku tallaabsanay oo ay kamid tahay hirgelinta koox qaabilsan naqshadeynta teleefoonada” ayuu yiri Jony Ive.

Marka uu ka tego shirkadda Apple, waxaa uu sameynaya shirkad lagu magacaabo ‘LoveFrom’ oo uu fadhigeedu yahay gobolka California, sida uu ku sheegay wareysi uu la yeeshay wargeyska The Financial Times.

Shirkadda Apple ayaa saacaddan soo saartay sannadkii 2015-kiiLahaanshaha sawirkaAPPLE
Image captionShirkadda Apple ayaa saacaddan soo saartay sannadkii 2015-kii

Waxaa uu noqday madaxa naqshadeynta teleefoonada Apple sannadkii 1996-kii, markaas oo ay shirkaddu dhaqaale la’aan heysay, horumarada uu gaarsiiyay waxaa kamid ah soo saaristii teleefoonada iMac sannadkii 1998-kii, waxaa ku xigay iPod sannadkii 2001-dii iyo iPhone sannadkii 2007-dii iyo saacadda ay soo saartay Apple 2015-kii.

Jony Ive, waxaa sannadkii 2012-kii abaal marin guddoonsiiyay boqoradda.

Tan iyo sannadkii 2012-kii, Jony Ive waxaa uu ahaa ninkii hoggaaminayay naqshadeynta iyo tayeynta teknooloojiyadda shirkadda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here