Haween timaha laga xiiray kaddib markii ay iska caabiyeen rag doonayay inay kufsadaan

0
468

Haween timaha laga xiiray kaddib markii ay iska caabiyeen rag doonayay inay kufsadaan

Labo qof ayaa lagu xiray gobolka Bihar ee Hindiya kaddib markii koox rag ah ay timaha ka xiireen labo haween ah oo diiday inay kufsi u geystaan.

Waxaa la sheegay in sababta ay timaha uga xiireen ay tahay inay ciqaab uga dhigayeen tallaabadaas.

Kooxdan dhibaatada u geysatay haweenka ayaa waxay isugu jireen kuwo ka tirsanaa saraakiisha maxalliga ee gobolkaas, waxay weerar gaadmo ah ku qaadeen hooyo iyo gabadheeda oo ku sugnaa gurigooda si ay u kufsadan, sida ay sheegeen booliska Hindiya.

Markii ay haweenka iska caabiyeen raggii doonayay inay kufsadaan, weerar ayay ku qaadeen waxaa ay timaha ka xireen haweenkaas xilli ay joogeen tuuladooda.

Booliska waxay sidoo kale sheegeen inay baadigoobayaan shan qof oo kale oo lala xiriirinayo dhacdadan.

“Si xun ayaa noola garaacay, jirkeyga oo idil waxaa ku yaalla dhaawacyo, gabadheydana dhaawac ayaa ka muuqda jirkeeda” ayay tiri hooyada la dhibaateeyay xilli ay u warrameysay wakaaladda wararka ee ANI.

Waxaa haweenkani timaha laga xiiray iyagoo ay daawanayeen dhammaan dadkii deganaa tuulada.

Weriyaha BBC ee magalaada Delhi ayaa kusoo warramaya in dhibaatada loo geystay haweenka ay tahay isku day dambiyada tacaddiyada ah ee ka dhanka galmada, waxay arrintani muujineysaa dhibaatada ragga ay u geysanayaan dumarka oo ay u awood sheeganayaan.

Arrinta la yaabka leh waxay tahay in dhacdadaas uu hoggaaminayay sarkaal ka tirsan dowladda oo ay shaqadiisu aheyd inuu difaaco haweenkaas.

“Qaar kamid ah ragga ayaa weeraray gabadha si ay u kufsadaan balse waxaa la dagaashay hooyadeed” sidaas waxaa yiri sarkaal booliska ka tirsan oo la hadlayay warbaahinta gudaha.

Ma ahan markii ugu horreysay oo dhacdo tan lamid ah laga soo tebiyo gobolkan.

Bishii April, gabadh yar ayaa waxaa lagu weeraray aashato kaddib markii ay iska caabisay rag doonayay inay kufsadaan.

Tacaddiyada kufsiga ee ka dhanka ah haweeka Hindiya ayaa sare u kacay markii sannadkii 2012-kii ay koox rag ah kufsi iyo dil u geysteen gabadh ardey aheyd xilli ay saarneyd bas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here