Somaliland Iyo Beesha Caalamka Oo Ku Kaliyeystay Miiskii Wada Hadalka Ee Nairobi+SAWIRO

0
668

Somaliland Iyo Beesha Caalamka Oo Ku Kaliyeystay Miiskii Wada Hadalka Ee Nairobi+SAWIRO

Xukuumada somaliland ayaa ka hadashay miiskii ay wada hadalka kula lahaayeen dawlada Soomaaliya oo ay ku kaliyeysteen markhaatiyaashii beesha caalamka ka dib markii xukuumada Farmaajo ka baaqsatay.

Safiirka somaliland ee wadanka Kenya Amb Baashe Cawil Cumar oo ka mid ah weftiga somaliland u matalayey wada hadalka soomaaliya ayaa warbixin uu soo saaray waxa uu kaga hadlay sida ay u arkaan in weftiga soomaaliya uu ka baaqdo miiska wada hadalka.

Amb Baashe Cawil oo arimahan ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Weftigii somaliland ee uu hogaaminayey wasiirka arimaha dibada Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon ayaa ku faraxsan inay ka qayb galeen wada tasho lagaga hadlay wada hadalka somaliland iyo soomaaliya kaas oo ay goob joog ka ahaayeen beesha caalamka.”

Amb Baashe Cawil oo hadalkiisa sii wata ayaa soo bandhigay cidii goob jooga ka ahayd miiska wada hadalka “”Waxa goob joog ka ahaa beesha caalamka oo ay ku jiraan Maraykanka, Midawga Yurub, Sweden, Turkiga, IGAD, wakiilka gaarka ah ee UK u qaabilsan bariga Afrika iyo wakiilada kale ee caalamka ee ku sugan Nairobi halka aanay soomaaliya ka soo qayb galin kulankan iyaga oo sheegaya inaanay Nairobi ahayn meel ku haboon wada hadalada somaliland.”

Sidoo kale Amb Baashe Cawil waxa uu murugo ku tilmaamay in soomaaliya ay ka baaqsato miiska wada hadalka “Anaga oo tixgelinayna hadana waxa murugo weyn ah in dawlada federaalka ah ee soomaaliya ay khasaarisay fursad weyn oo lagu sii wadi lahaa wada hadalka.”

Dhinaca kale Amb Baashe Cawil ayaa soo bandhigay sida ay u arkaan talaabada soomaaliya qaaday waxaanu yidhi “Tani waxay muujinaysaa fawdada iyo balanqaad la,aanta wada hadal dhab ah oo Villa Soomaaliya ugu tala gashay habka ay iskaashi nabadeed ku wada yeelan lahaayeen somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here