Golaha amaanka oo ka digay in shidaal laga soo saaro Soomaaliya

0
507

Golaha amaanka oo ka digay in shidaal laga soo saaro Soomaaliya

Golaha amaanka ee qaramada midoobay ayaa ka digay shidaal waqtigaan laga saaro dalka Soomaaliya.

Warbixin ay soo saartay gudiga ka hortagga xayiraada hubka ee dalalka Soomaaliya ee Eritrea ayaa lagu sheegay in shidaal laga qodo dalka ay wiiqi karto dadaalada lagu doonayo dib u soo celinta Nabada.

Gudiga ayaa tusaale u soo qaatay xiriirka aan wanaagsaneyn ee u dhaxeeya maamul goboleedyada iyo dowlada Dhexe oo ku kala aragti duwan heshiiska iyo hab loo Maareynayo wax soo saarka Shidaalka.

Mudanayaasha baarlamaanka ayaa 20 bishii May qalinka ku duugay heshiiska wax soorka shidaalka.

Balse shir ka dhacay isla horaantii bishii hore ismaamulka Puntland oo u dhaxeeyay maamul goboleedyada iyo dowlada dhexe oo la xiriira arintaan ayaa ku dhamaaday is faham La,aan.

Inkastoo soomaaliya ay ka faa,ideysan karto dhaqaalaha shidaalka ayaa hadane gudiga xayiraada hubka ee dalalka Eritrea iyo soomaaliya waxay qabaan in ay keeni karto xasilooni daro iyo dagaal sokeeye oo ka dhaca Dalka.

Madaxda dowlada dhexe ayaa qaba in dalka uu u baahan yahay dhaqaale si uu kaga baxo ku tiirsanaanta wadamada taageera Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here