Soomaaliya halis ma ugu jirtaa cudurka Ebola?

0
529

Soomaaliya halis ma ugu jirtaa cudurka Ebola?

Wasaaradda Caafimaadka ee dalka Uganda ayaa sheegtay in 7 qof oo goor hore loo karantiilay in uu ku dhacay cudurka Ebola haatan laga waayay cudurkaas.

Afar qof oo ka mid ah todobada qof ayaa waxaa Khamiistii loo dhoofiyay Jamhuuriyadda Dimuqraaddiga ee Koongo, iyadoo weliba uu la socday canug saddex sano jir ah oo uu fayraskaasi haleelay.

Tan iyo markii kiiskii ugu horreeyay ee cudurka Ebola lagu arkay Galbeedka Uganda saddex maalmood ka hor, ayaa waxaa la xaqiijiyay in laba qof ay halkaas ku dhinteen.

Qofkii ugu dambeeyey ee u geeriyooday ayaa ah haweenay 50 jir ahayd oo cudurkaas ugu geeriyootay Galbeedka dalka Uganda, maalin uun kaddib markii uu isla cudurkaas u geeriyooday wiil ay ayeeyo u ahayd oo 5 jir ahaa.

,

Waa kiisas kii ugu horreeyey ee la soo sheego tan iyo markii fayraskaasi uu ka dillaacay xuduudda Jamhuuriyadda Dimuquraadiga ah ee Congo ay la leedahay Uganda, halkaas oo ay ku dhinteen 1,400 oo qof.

Saddex qof oo looga shakiyay in ay qabaan cudurka Ebola ayaa sidoo kale ka baxsaday xarun lagu hayey oo kutaal Koonfurta Galbeed ee dalka Uganda.

Cudurkan ayaa laga walaacsan yahay in uu ku faafo dalalka kale ee dariska la ah Uganda sida Kenya iyo Tanzania.

Dhanka Kale Soomaaliya iyo Uganda ayaa waxaa ka dhexeeya isu socod dhanka bulshada ah, ayadoo ciidamo ka socda Uganda oo ka tirsan AMISOM ay ku sugan yihiin Soomaaliya.

Ciidamada Uganda ee ka tirsan AMISOM ayaa si joogto ah ugu kala safra Muqdisho iyo Kampala. Arrintaas ayaa keeni karta in cudurka Ebola uu u gudbo Soomaaliya, haddii qof cudurkaas qaba uu tago Soomaaliya.

Cabdiqani Sheekh Cumar

Cabdiqani Sheekh Cumar oo ah khabiir dhanka caafimaadka ah horayna agaasime uga soo noqday wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa qaba in isu socodka bulshadu uu kaalin ka qaadan karo faafidda cudurkaas.

“Cudurkan waxa uu Uganda uga yimid dhanka dalka Congo, madaama Soomaaliya-na ay dad badani uga yimaadaan dhanka Uganda oo isugu jira arday iyo ciidmada AMISOM, waa suurto gal in cudurkaas uu u gudbo Soomaaliya”. Ayuu yidh Cabdi Qani

Sidee looga hortagi karaa cudurka Ebola

Sida ay ku talinayaan xeeldheerayaasha caafimaadku, Soomaaliya ayaa looga baahan yahay in ay feejignaan muujiso oo ay qaaddo tallaabooyin dheeri ah oo looga hortagi karo cudurkaas.

Tallaabooyinkaas ayaa waxaa ka mid ah in la baaro dadka ka imaanaya dalalka cudurkaas lagu sheegay iyo in la helo tallaalkii loogu talagalay oo ay bixiso hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

“Waa in la helo meelo lagu karantiili karo laguna daawayn karo dadka uu cudurkaasi ku dhaco, Waana in la yareeyaa isbaddalka ciidamada AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda” ayuu yidhi Cabdiqani Sheekh Cumar.

Bahda caafimaadka ayaa sidoo kale ku talinaysa in bulshada Soomaalida ah lagu wacyi geliyo calaamadaha cudurkaas oo ay sheegeen in uu aad ugu eg yahay cudurro kale oo badan.

Waa maxay Ebola?

,Lahaanshaha sawirkaBSIP/GETTY IMAGES
  • Ebola waa fayras ku bilowda qandho, tabar yari, murqo xanuun iyo hunguri xanuun.
  • Waaa xiga matag, shuban iyo dhiig kor iyo hoosba ka furma.
  • Waxaa lagu lakala qaadaa taabashada qofka qaba jirkiisa oo jeexan, ama dhiigga, matagga qofka qaba xanuunkaas.
  • Bukaankanada xanuunkaas qaba ayaa u dhinta fuuq bax iyo waaxyaha jirka oo shaqayn waaya.

Sida uu BBC-da u sheegay Dr Maxamuud Sheekh Maxamed Oomaar cudurkaan ayaa waxaa calaamadihiisa ka mid ah “Dhiig qofka ka furma meelaha daloola sida: sanka, afka, dabada iyo indhaha”.

Mar la waydiiyey Dr Oomaar sida looga hortagi karo ama la isaga ilaalin karo cudurka Ebola ayaa waxa uu sheegay in sida kaliya ee looga hortagi karo ay tahay in dadka ka imaanaya dalalka cudurkaasi uu ka dillaacay la baaro.

“Cudurkan waxa uu u eg yahay cudurrada qandhooyinka balse waxa uu dheeryahay dhiig ka furma meelaha daloola.” Ayuu yidhi Dr Oomar.

Dhakhaatiirka ay ku talinaya in la yareeyo in gacmaha la isku salaamo si aan cudurka loo kala qaadin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here